SHIRKA FURITAANKA EE
GOLAHA MIDNIMADA QOWMIYADDA
JAREERWEYNE
(G M Q J)
THE OPENING CONFERENCE OF
THE GREAT JAREER RACE
UNITY COUNCIL
(G J R U C)


May 10/07.

KHUDBADII PROFASER
XUSEYN MUUSE CALI KEDIYE
[OO DHAMEESTIRAN]

THE SPEECH OF PROF HUSSEIN
MUSSA ALI KEDIYE
(IN FULL TEXT)


Qaybaha khudbadda (Speech contents
I. Eray hordhac ( foreward )
II. Midnimooy maxaa tahay ?
III. Midnimooy maxaad gashgaa ?
IV. Midnimooy sideed ku dhalataa ?
V. Maxaa looga fadhiyaa GMQJ ?
( Roles and functions of G J R U C )
VI. HALQABSIGEYGA (Personal Motto)
VII. GEBOGEBO
My speech at the conference
(The text in full)
I. Eray hordhac
(Foreword)


Martida sharafta leh:
Waxaan u soo jeedinayaa dhallinyaradii iyo duqowdii isku taxallujisay hal abuurka golahaan iyo qabanqaabada shirka furitaankiisa bogaadin iyo hambalyo kal iyo laab ah.
Waxaan rabaa hal iyo labo inaan ka dhaho erayga midnimo = Unita,
waxay tahay
waxay gasho iyo
waxay ku dhalato.
II. Midnimooy Maxaad Tahay?
Dabcan waa hal ahaansho; hasayeeshee qeexisteedaan tooska ah waxaa ka mug weyn waxa ay ku soo rideyso qofka (what it connotes). Waxay ku soo rideysaa:
i. Towfiiq ama muwaafaqo: Midnimo Kama jirto meelaan towfiiq ka jirin; Towfiiqna kama jirto meelaan midnimo ka jirin.
ii. Heshiis (conciliation) :Meeshii heshiis ka jiro waa meel towfiiq iyo midnimo ka jiraan ugu yaraan aragti ahaan (at least view wise).
III. Midnimooy Maxaad Gashaa?
Si kale hadaan u dhigo su’aasha midnimooy maxaad saynta ku jiideysaa ood hiigsani (What does it entail?)
Strenghth ( xoog) ????? ? ?? ?
towfiiq
heshiis iyo
guul oo dhan oo dhan walba leh ( achievements in all aspects) sida:
a) Helidda xaquuqda dadnimo (social human rights)
b) Horumar:
b1= ilbaxnimo bulshadeed (progress in social civilization)
b2= siyaasadeed iyo
b3= dhaqaaleed.
b4= IWM.
Labo tusaalooyin oo marqaati gal u ah guul galka midnimo iyo guuldarrada tafaraaruqa (midnimo la’aan) :
1.
Midimadii USC-da waxay keentay rididdii rajiimkii militari ee S.Barre (Guul).
Tafaraaruqii U S C-da waxay soo hooyisay guuldarrooyinka ka taagan waddanka ilaa yowminaa haadaa (10-05-07).

Jaantus:
Midnimo
USC


USC-SNA USC-SSA
SAMO-SNA SAMO-SSA
SDM - SNA SDM -SSA
SNU -SNA SNU - SSA
USC - PM

Barbardhig SYL iyo guusheedii lagu gaaray midnimadii 13 kii dhallinyaro
2. Mareykanka Madow (Black Americans
Mareykan Madow waa dadyow soo maray marxalado adag, waxaana loogu yeeri jiray magacyo kala duwan, sida:

Slaves?
Negroes?
Blacks?
African Americans?

Kadib halgan dheer iyo midnimo waxay ku guuleesteen in ay la mid noqdaan caddaankii gumeysan jiray. Horumarkooda dhan walba waa marqaati ma doonto.

IV. Midnimooy Sideed Ku Dhalataa?
Midnimadu way dhalataa ee looma dhasho (unity is not intrinsic) Midnimadu waxaa dhaliyo dadka (unity making) waxaana dhowra dadka (unity keeping). Midnimadu waxay ku dhalataa dariiqooyin badan oo ay ka mid yihiin:
a) Dariiqa waxbarasho iyo wacyigelin (through education and mass
Orientation).
b) Dariiqa jajuubidda (through coersion).
Waxaase dhaxalgal ah dariiqa (a) Qofku waa ku cadow waxuu jaahil ka yahay
V. Maxaa Looga Fadhiyaa Golohaan?
(Roles And Functions Of The Council)
Si kooban waxaa looga fadhiyaa golluhu inuu u qumo mirana ka dhaliyo afar arrimood intuba:
1. Ka xureynta xaqiraadda heysato Jareerweyne.
2. Mideynta beelaha Jareerweyne
3. U howlgalka mideynta beelaha bahweynta Soomaaliyeed iyo
4. La midowga Jareerweyne beelaha bahweynta Soomaaliyeed.
Waa maxay xaqiraadda ama dulunka ku sugan yihiin beelaha Jareerweyne Way tiro badan yihiin dulunka iyo yasidda la kulmaaan beelaha ka tirsan qowmiyaddan.
Waxaan ka xusayaa dulankii lagu xaqiray qowmiyaddan soo jireenka ah dulankaas oo ah kii ugu dambeeyay silsiladda dulanka Sida la tahay qowmiyada Jileecweyne beelaha Jareerweyne oo lagu daray tiro beelo kale ah waxaa loogu waqlalay magaca Others waxay kaloo yiraahdeen wadarta beelaha Otherska ma dhama 1 beel ee waa nus beel ( 0.5 ).
[This is the biggest mistake in the 21st century applied socially and politically on the so called others. It is unforgettable, unforgivable and absolutely unacceptable]

VI. Halqabsigeyga (Personal Motto)
Taariikhda waxaa beddelo qof ama koox , Noqo qofka ama ka mid noqo kooxda.
VII. Gebogebo
Waxaan mar labaad u duceynayaa dhallinyaradii (youths) iyo odiyaashii (elders) ku guuleystay aqoonsashada BOOGTA Jareerweyne oo ah nusqaanka(0.5) iyo midnimo la’aanta ( disunity ) .
Daaawo u helidda boogta wey ka adag tahay ogaanshada boogta wayna ka qarash badan tahay, Sidaa si la’ eg in la yiraahdo waan nusbixinayaa waana mideynayaa beelaha qowmiyadda Jareerweyne wey ku fudud yihiin dhihida
It is easy said than done,
Tra dire e fare e un mezzo mare)
Hasayeeshee waxaan ku gunaanadayaa hadalkeyga in tallaabada la qaaday ay tahay baraarujin xaq ah xaq dhicisna ah loona qaaday dhanka :
JAREERWEYNOOW TOOSOO TOOSOO ISKU TIIRSADO OO, HADBA KIINNA TAAG DARANEE TAAGEERA WELIGIINEEY.

prof. Xusseen Muse



 

 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH