Shir lagu taageerayay qaar kamid ah madaxda USYU ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

February 17/2008 JinWN(Jiinwabi News) Mogadishu

Shir ay maanta ku yeeshiin magaalada muqdisho golaha sare ee Dalladdla middeenta dhalinyarada Soomaaliyeed (USYU) ayaa lagu taageerayay dadaal ay muujiyeed xubno ka tirsan madaxda USYU oo ku sugan dalka Koonfur Afrika Magaalada Cepe town.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee USYU mudane Maxamed C/lahi Yusuf iyo xubnaha golaha sare ayaa waxa ay ka hadleen dadaalka geesinimo ay muujiyeen madaxda u maqan USYU iyo siku xerka ay ka wadaan caalamka iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo geeda beelaha Jareeweyne.

“ waxaan taageyreynaa dadaalkii ay muujiyeen walaalaheyna ku sugan dalka Koonfur Afrika iyo u doodista xaqa ka maqan beelaha jareerweyne, sidoo kale waxaan ka rajeynayaa in ay ku daydaan kuwa kale ee ka soo jeeday beelaha jareerweyne ee caalamka ku sugan sidaas oo kale IWM” sidaana waxaa yiri Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Dalada mideenta Dhalinyarada Soomaaliyeed USYU Maxamed C/lahi Yusuf.

Xoghayaha guud ee USYU miss Cudbi Suleybaan Mahdi ayaa sidoo kale ka hadashay taariiqda iyo mar xaladadaha kala duduwan ay soomartay Dalladda mideenta dhalinyarada Soomaaliyeed, guulaha ay soo gaartay iyo kuwa ay hegsaneyaan mustaqbalka soo socda.

“waxan rajeynayaa in aan wax la qabsano dhalinyarada caalamka gaar ahaan kuwa horumaray kana qeyb galno shirarka caalamiga ah ee lagu horumarinayo dhalinyarada taasina waxa lagu gaari karaa xirirr joogto ah sida isgaarsiinta, figradaha oo la wadaago iyo wado shaqeyn jooto ah.” Sidaana waxaa tiri Xoghayaha Guud ee Dallada middeenta dhallinyarada Soomaaliyeed (USYU) Cudbi Suleybaan Mahdi.

Shirkan ayaa waxa u ku soo gabagabooway jawi farxaseed mas’uuliyiinta iyo madaxda kasoo qeygalay shirkani ayaa waxa ay ahaayeen kuwa masquud ka ah qaabka uu shirkani u qabsoomay,
Dhamaan ka soo qeyb galayaashii iskugu yimid madashaasi ayaa waxa ay soo jeediyeen hambalyo iyo duco ku aadna xubnaha u maqan USYU iyo kuwa soo aabaabulay shirkan qeymaha ugu fadhiyo beelaha jareerweyne gaar ahaan Dhalinyarada in uu Ilaah garab kooda galo.

Abdirashid Abdullahi Haydar
www.jiinwabi.com
Tel:-+25215507763
E-mail:- xeydar1@hotmail.com
/ / :- rashiid.xaydar@gmail.com
Mogadishu-Somalia


 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH