QARAMADA MIDOOBAY

XAFIISKA XIRIIRIYAHA HAWLAHA GARGAARKA BINI’AADMINNIMADA SOOMAALIYA


War-saxaafdeed
QM oo ugu baaqday maamullada in la joojiyo Gudniinka fircooniga ah(GF)

JINWN (jiinwabi news) 6-da Febraayo 2008: Nairobi

Maadaama ay dunida maanta xusayso munaasabadda caalamiga ah ee ka dhanka ah Gudiinka Fircooniga ah(FGM) ee lagu waxyeelaynayo xubinta taranka dheddigga, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan Soomaalida inay si adag ula dagaallamaan ficillada gurracan ee ka dhanka ah dhaqan-bulsheedka islamarkana midab-faquuq iyo xad-gudubka ku ah xuquuqda bini’aamiga ee haweenka.

Gudniinka xubinta taranka Dheddig(FGM), wuxuu ku xad-gudbayaa xuquuqda asaasiga ah ee haweenka iyo gabdhaha, taas oo halis ku ah caafimaadkooda, islamarkaana khatar weyn ku noqonaysa marka ay umulayaan iyadoo u gaysta dhaawacyo muuqanaya iyo raadad cilmi-nafsiyeedba. Tani waxay xad-gudub ku tahay sinnaanshaha xuquuqda caafimaadka iyo xoriyadda qawlka ee haweenka iyo gabdhaha, iyadoo loogaysanayo rabshado, dhaawacyo, fara-xumayn, jir-dil iyo falal fool xun ama arrimo bini’aadminnimada ka baxsan iyo hab-la-dhaqan gurracan, iyadoo sidoo kale aysan kaalin ku lahayn go’aan qaadashada taranka qoyska. Xuquuqdaan iyada ah waxaa meel mariyey sharciga caalamiga ah.

Waxay QM ugu baaqaysaa maamullada Soomaaliya inay baahiyaan dadaallada lagu joojinayo dhammaan noocyadiisa kala duwan ee GF ah(FGM), ayna dar-dar geliyaan isku-dheellitirka dheddig-laboodka iyo xuquuqda bini’aadmiga oo ay ka mid yihiin; xuquuqda isku-galmoodka iyo caafimaadka kala dheeraynta dhalmada.

Waa inay Maamulladu meelmariyaan hab-raacyada siyaasadeed ee taabbagalka ah iyo shuruucda dhawrista haweenka. Waxaa intaas dheer, in la dhiirrigeliyo baahida waxbarashada bulshada, iyadoo loo hawlgalayo barnaamijyada ku wejahan horumarinta iyo ka hortagga, kuwaas oo dhaqan ahaan ah kuwo xasaasi ah,ayna laga marmaan tahay ion la tixgeliyo xaqiiqda maxalliga ah.

Daraasadda qotada dheer ee Xoghaya Guud eek u wejahan xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka ee laga soo saaray Bishii April 2006, shirkii shan iyo tobanka waddan ee Afrikaanka ah, kaas oo diiradda la saarayey GF(FGM) iyo waxyeellada uu haweenka ku hayo, kaas oo ka mid ah dambiyada culculs ee bini’aadmiga loo gasyto.

Haddaba,waa in Maammullada soomaaliya ka jira ay tallaabooyin wax ku ool ah ka qaadaan in GF(FGM) ahi uu ka mid yahay dambiyada waaweyn ee halista ah.

Sidaas darted, Xuska maalinta caalamiga ah ee xad-gudubyada ka dhanka ah ee Gudniinka Fircooniga ah oo ka soo bilaabatay kulankii gaarka ahaa ee caruurta QM 2002, kaas oo ay saxiixeen waddamadii heshiiskii xuquuqda carruurta ee lagu go’aamiyey in la so oaf-jaro xad-gudub FGM-ka marka sannadku gaadho 2010-ka. Waxaana lagu qiyaasay 120 ilaa 140 milyan oo haween ah inay la kulmaan ficilkaas isaga ah iyadoo 3 milyan oo gabdho ahna ay si joogto ah halis ugu jiraan sannad walba.

Wixii Faahfaahin dheerad ah kala soo xiriir:
Rebbecca Wabwoba, Madaxa Warfaafinta, Xafiiska Xiriiriyaha Xarunta QM
Tel: (254 20) 4255335; Fax: ( 254 200 4255100; email:rebecca.wabwoba@undp.org

Abdirashid Abdullahi Haydar
www.jiinwabi.com
Tel:-+25215507763
E-mail:- xeydar1@hotmail.com
/ / :- rashiid.xaydar@gmail.com
Mogadishu-Somalia.


 

 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH