Xoogsatada danyarta ah ayaa walaac ka muujiyey xaalada kusoo korortay suuqa bakaaraha.

Waxaa maalintii Afaraad hakad ku jira howlihii Gacansi ee ka socday Gudaha Suuqaba Bakaaraha, ayadoo ay wali ku hareersan yihiin Ciidamada Dowladda Itoobiya oo garab siinaya Ciidanka Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxayna wararku qaar sheegayaan in Suuqaasi lagu haayo Bililiqo baahsan oo ay geysanayaan Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan gudaha Suuqa Bakaaraha.

Xiritaanka Suuqa Bakaaraha ayay saamayn balaaran kasoo gaartay Qoysas badan oo isugu jira kuwo garabrarato ah oo inta badan ka xoogsada Suuqa Bakaaraha iyo qaar kale oo suuqaasi u Shaxaad doonan jiray, si ay ugu maareeyaan Qoysaskooda.

Haddaba waxaa noo suuragashay in aan Xogwareysi la yeelano Maxamad Cali Jeylaani oo ka mid ah ragga ku xamaasha Kaari Gacanka wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sidan “Walaal dhibaato aad u xoogan ayaan ku qabnaa xiritaanka Suuqa Bakaaraha, Maxaayeelay waxaan subax walba u kalihi jiray Suuqa Bakaaraha, si aan u xoogsado waxaana ka biilan jiray Caruurteyda, laakiin hadda oo Suuqa ah mid hakad uu ku yimid howlihiisa shaqo walaahi aad ayuu noo dhibaayaa aniga iyo inta ila midka ah ee ka xoogsata Suuqa Bakaaraha”
Ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dad isaga la mid ah oo dhibaatooyin ceynkan oo kale ku qaba xiritaanka suuqa bakaara Maxamad Cali Jeylaani isagoo hadalkiisa watana waxa uu yiri
“Waxaa jira qaar iyaga ku xamaasha Dambiilo oo Dumar u badan, in kastoo ay jiraan ragg iyagana garab rarato ah oo duudka ku xamaasha iyo kuwo gaari gacanley ah, dhammaanteena dhib ayaan ku qabnaa xiritaanka Suuqa Bakaaraha, waxaana alle ka rajaynaynaa in howlaha Suuqaasi uu dib usoo noqdo”.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Guddiga Suuqa Bakaaraha ayaa wali ku jira shirar ay kaga hadlayaan dhibaatada Suuqaasi iyo sida uu dib ugu soo noqon lahaa howlihii Suuqaasi, walina ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin, xaaladda Suuqana waa mid sii xumaanaya maalinba maalinta kasii danbaysa waxayna wararka qaar sheegayaan in ganacsatada qaarkood ay alaabahooda ganacsi kala baxayaan Suuqa Bakaaraha, amaandarada suuqa oo sii xumaaneysa aawadeed, dhibaatadana ay si aad ah u taabatay ganasatada yar yar ee ka howlgala suuqa Bakaaraha.


Bile Maxamad Cabdi {Liibaan-Baastey}
Baastey8@hotmail.com
www.jiinwabi.com
Muqdiho Somalia

 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH