Munaasabad
lagu maamuusayay Maalinta Afka hooyo ee Soomaaliga oo maanta laga
xusay Magaalada Muqdisho
Xaflad ay soo qabanqaabiyeen Naadiga
Hal-abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed (Somali Speaking Pen)
oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu xusay maalinta
Afka Hooyo oo ku beegan 21ka Nofembar.
Xafladda oo ay ka soo qaybgaleen
dad Soomaaliyeed oo aad fara badan iyo martisharaf ka socotay
qaybaha kala duwan ee waxbarashada dalka, sida Jaamacadaha, Iskuullada,
Macaahidda, Abwaaniinta, Qorayaasha iyo Saxaafadda ayaa waxaa
hadallo ka jeediyay xubno kala duwan oo kala duwan.

Ugu horreyn waxaa ka hadlay xoghayaha
laanta Koonfurta ee Somali Pen C/naasir Yuusuf Macallin(Ganey),
wuxuuna sheegay in xuska maanta la qabanayo uu qayb ka yahay xusaska
in ka badan 6-kun oo luuqadood oo dunida looga hadlo.
Xoghayuhu wuxuu sheegay in Laanta
Koonfurta Somalia ee Somali Pen intii ay jirtay ay qabatay howlo
badan oo lagu horumariyay afka Somaliga, wuxuuna sheegay in howlahaas
oo dhan ay noqdeen kuwo lagu guulaystay horumar la taaban karana
laga gaaray.

Sidoo kale, waxaa hadal ka jeediyay
xafladdaas Prof. Mustaf C/llaahi Cali (Dheeg) oo Barre ka ah Jaamacadda
Muqdisho, isagoo si weyn ugu dheeraaday Afka Soomaaliga iyo muhiimaddiisa,
wuxuuna sheegay in afka uu ka soo uskumo Hooyada, dhulka iyo Dadka.
"Afka Soomaaliga, wuxuu ka
mid yahay afafka dowliga ah ee dunida ka jira, wuxuuna ka mid
yahay afafka Kushitiga ah ee looga hadlo dalalka Bariga Afrika,
isagoo weliba ah afka ugu baaxadda weyn, maadaama uu yahay af
leh maamul dowli ah oo loo shaqeeyo xafiisyada iyo howlaha kale
ee Soomaaliya" ayuu yiri Mustafa Dheeg.
Mar uu ka hadlay khatar sababi
karta inuu afka Soomaaliga noqdo mid gebi ahaan baaba'a ayuu sheegay
inaysan taasi muuqan, qarniyada soo socda xitaa uusan ku imaan
karin afka Soomaaliga burbur, maadaama afka Soomaaliga uu yahay
luuqadda labaad ee Luuqadaha Bariga Afrika, isagoo sheegay inay
ku hadlaan in ka badan 25-milyan oo qof.
"Dadka ku hadla Afka Soomaaliga
waa kuwo ku firirsan dalalka Soomaaliya deriska la ah sida, Jabuuti,
Itoobiya iyo Kenya, waxaana sii dheer intaas dadka Soomaalida
ah ee ku nool dalalka ku yaalla shanta qaaradood ee Dunida"
ayuu yiri Prof. Dheeg, oo sidoo kale ku boorriyay saxaafadda inay
culeyska saaraan sidii Afka Soomaaliga uu ku noqon lahaa mid horumar
intaan ka badan sameeya.

Guddoomiyaha Golaha Suxufiyiinta
Qaranka Soomaaliyeed Yuusuf Cali Cusmaan iyo Maxamed Ibraahim
Isaaq (Pakistan) oo ka mid ah xubnaha INSI iyo C/raxmaan Cumar
Madoobe (Caaqil Dalmar) oo ah Xoghayaha warfaafinta ururka (NUSOJ)
ahna qoraa sare ayaa si wadajir ah u sheegay in afka Soomaaliga
uu yahay mid horumar sameeyay, isla markaana laga doonayo saxafiyiinta
inay horumarka Afka Soomaaliga ka shaqeeyaan.

Ku-simaha Guddoomiyaha Somali
Pen laanteeda Koonfurta Somalia Mr. Dhicisoow oo hadal ka jeediyay
halkaas ayaa waxa uu u mahad celiyay ka soo qaybgalayaasha iyo
cid walba oo gacan ku siisay Somali Pen horumarinta Afka Soomaaliga.
Suugaanley kala duwan ayaa waxay
xafladda ka soo jeediyeen erayo suugaaneedyo ay ku cabirayaan
horumarka Afka Soomaaliga, waxaana abwaannadaas ka mid ahaa: Barre
Maxamed (Bangaladesh), Cumar C/llaahi Guure iyo Saynab Sheekh
Maxamed.
Xafladdaas ayaa waxaa lagu soo
bandhigay joornaallo iyo Buuggaag ka soo baxay gudaha dalka Soomaaliya
tan iyo intii afka Soomaaliga la qoray, lana hirgeliyay.

Abdirashid Abdullahi
haydar
xeydar1@hotmail.com
www.jiimonet.com
Mogadishu-Somalia.