Shirkii dib u heshiisiinta Kooxaha Soomaalida oo dalka Jabuuti si hordhac ah uga furmay

13, Mey.2008 Jabuuti, Xaflad lagu furayay Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu dhexdhexaadinayo dowladda KMG Soomaaliya iyo mid ka mid ah kooxaha dowladda mucaaradka ku ah ee Isbahaysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya ayaa shalay lagu qabtay dalka Jabuuti.

Xafladdaas oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay xubnaha dowladda KMG iyo Isbahaysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya ee dhexdhexaadinta laga dhex sameynayo iyo sidoo kale diplomaasiyiin ka kala socotay dalalka daneeya arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Mareykanka, Jaamacadda Carabta, Norwey oo ka tirsan Contact Group iyo Madaxda dowlada Jabuuti, waxaana ugu horreyn xafladdaasi furay Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ahmedou Abdalah oo shirka ku bogaadiyay xubnaha yar ee labada dhinac uga soo qeyb galay, aqbalayna casuumaadda.

Sidoo kale wasiirka Diinta iyo Owqaafta dalka Jabuuti Dr. Xaamid suldaan Cabdow ayaa isna ka hadlay kulankaas, waxaana xigsaday labadii nin ee kala hoggaaminaysa xubnaha dowladda KMG iyo Isbahaysiga dib u xoreynta oo kala ah Wasiirka Dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Ashkir oo soo dhoweeyey in dowladu dib u heshiisiin la gasho mucaaradka ka soo horjeeda, halka Wafdiga Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyana uu u hadlay madaxa wafdigaas C/raxamaan Cabdi Shakuur Warsame.

Laakiin furitaanka ee shirkaas shaki iyo mugdi ayaa ku jira iyadoo Xubnaha isbahaysiga dib u xoreynta ee Jabuuti ku sugan ay weli ku adkaysanaya inaysan si ka fool ka fool ah u hor fariisanayn xubnaha dowladda KMG ka socda, iyagoo taa sabab uga dhigay in aysan jirin cid ay matalaan iyo talo ka go’da, sida uu yiri madaxa wafdiga Isbahaysiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo xusay in ay la hadlayaan Q/Midoobay oo uu yiri iyaga ayaa taageera ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan iyaga ayaana kala hadleynaa sidii ciidamadaas loo saari lahaa.

Laakiin madaxa wafdiga dowladda KMG C/risaaq Ashkir Cabdi ayaa isna sheegay in eedeyntaasi aysan waxba ka jirin, ayna dhankooda ku talinayaan in wadahadalka aan wax shuruud ah lagu xirin, isla markaana marka ay wax qaban waayaan ama go’aan la gaaro fulin waayaan la eedo ee si hordhac ah aan loo eedin sida uu ku dooday, 
arinka shir ayaa u muuqda mid aan la saadaalin karin hor u socodkiisa maadaama ay soo baxayaa is jii-jiid badan oo labada dhinac ah.

Abdirashid Abdullahi Haydar

xeydar1@hotmail.com

www.jiinwabi.com

Djibouti

 

 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH