Warbixinnadii ugu dambeeyay ee Shirka dib u heshiisiinta Jabuuti iyo qodobo qoran oo laga soo saaray

May 15/2008 JWN(Jiinwabi News))Djabuuti

Shirka Jabuuti oo weli aysan isku soo hor fariisanin labada dhinac ee dowladda KMG Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa haddana waxaa jira kulamo gooni gooni ah oo qolo waliba goonideeda u yeelanayso iyo mid ay la leedahay qolo waliba beesha caalamka.

Xubnaha Isbaheysiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo safiiro ka socda waddamada Sacuudiga, Maleysiya, Qadar, Norwey iyo mas’uuliyiin ka socda dalka Mareykanka.

"Wixii aan kala kulanno beesha caalamka waxaan ula laabaneynaa Madaxdeena si aan uga munaaqishoono go’aanana si wadajir ah uga qadano" sidaa waxaa yiri C/raxmaan C/shakuur oo ah madaxa wafdiga Isbaheysiga ee Jabuuti ku sugan.

Kulamada shalay dhacay ayaa intooda badan u badnaa waraaqo Documents ah oo loogu kala gudbinayay labada dhinac ee loo kala dab qaadayo, waxaana ugu muhiimsanaa waxyaabaha sida aadka ah looga dooday Jadwalka iyo qaabka uu yeelan doono shirka labaad ee laysugu imaan doono haddiiba lagu heshiiyo, arrimahasi oo ahaa qodobo aad u culus oo noqon doona qodobada ugu waaweyn ee lagu xalinayo shirkaasi ayaa waxaa ka mid ah:

1. Sidii ciidamada Ethiopia looga saari lahaa dalka Soomaaliya, Isla markaana ciidamada UN ka ka socda ay ula wareegi lahaayeen Soomaaliya haddii la isku af garto qodobkaas laftiisa.

2. Arrimaha gargaarka Bini’aadannimo iyo sidii loo gaarsiin lahaa Mucaawinada dadka tabaaleysan ee ka barakacay dagaalada wadanka ka socda.

3. Sidii dambiyo dagaal loogu soo oogi lahaa Mustabalka dhow dadkii iyo mas’uuliyiintii ka dambeysay xasuuqii shacabka loo geystay.

4. Sidii dib u heshiisiin waarta loo gaari lahaa iyo qaabka uu noqonayo shirka Dib u heshiisiinta Soomaalida loo qabanayo si loo soo dhiso dowlad sal ballaaran oo shacabku raali ka yahay.

Dhinaca kale Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya weli waxa ay diidan yihiin in ay kulamo ka fool ka fool ah la yeeshaan xubno ka socda dowladda KMG Soomaaliya si khilaafka dhexdood yaala loo qaboojiyo, iyagoo sheegay in ay la kumayaan Q/Midoobay iyo diplomaasiyiinta ka socota dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya si suuragal ay u noqoto bay yiraahdeen in ciidamada Itoobiya ee xasuuqa ka wada Soomaaliya looga saaro dalka maadaama bay yiraahdeen Q/Midoobay iyo dalal kale oo beesha caalamka ay ciidamada Itoobiya joogitaankooda Soomaaliya og yihiin dhaqaalena ku siiyaan.

Afhayeenka Isbahaysiga dib u xoreynta Daahir Geelle Maxamuud ayaa sheegay in xafladdii furitaanka shirkii Isniintii Jabuuti ka dhacay uusan ahayn mid fool ka fool ah u dhex maray xubnaha dowladda KMG Soomaaliya iyo garabkooda, wuxuuna xusay in kulankaasi uu ahaa mid ay dad badan qeyb galeen.

“…Meel hool weyn ah yaa la isugu yimid oo ay dad badan iyo diplumaasiyiin ku sugnaayeen, anagana waanu tagnay, wafdiga dowladduna dhinaca kale ayuu joogay, balse ma ahayn shir fool ka fool ah oo dhex maray kooxaha Soomaalida…” ayuu yiri Afhayeenka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo meesha ka saaray inuu furmay shirkii wadahadalka labada dhinac ee dowladda KMG iyo mucaaridka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in ay ayagu weli taagan yihiin mawqifkoodii hore ee ahaa in dalka marka hore laga saaro ciidamada Itoobiya kadibna ay markaasi wadahadlaan dowladda Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay Afhayeenka sababta ay u tageen Jabuuti haddiiba aysan la kulmeynin xubnaha dowladda, ayna go’aankoodii weli ku dhegan yihiin ayuu sheegay in ay u tageen Jabuuti sidii ay Qaramada Midoobay ugala hadli lahaayeen xaaladda Soomaaliya.

Abdirashid Abdullahi Haydar

xeydar1@hotmail.com

www.jiinwabi.com

Djibouti


 

 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH