Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoraynta dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Eedeyn u jeediyey dowladda Eretreya


May 25/2008 JWN(Jiinwabi News)Djabuti

Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoraynta dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Eretreya ku eedeeyay in ay waddo tallaabo ay ku kala jebineyso Isbaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo shir jaraa’id ku qabtay dalka Jabuuti oo uu ku sugan yahay ayaa waxa uu kaga waramay arrimo badan oo ku aaddan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo qilaafka cusub ee soo kala dhex galay xubnaha sarsare ee Isbaheysiga dib u xoraynta dalka Soomaaliya.

Waxa uu Sheekh Shariif sheegay in uu aad uga xun yahay waxa shacabka Soomaaliyeed dhegahooda ku dhacaya ee ka soo yeeray xubno ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya ee muujinaya sida uu sheegay kala Jab iyo qilaaf soo kala dhex galay Isbaheysigooda, wuxuuna Sheekh Shariif uu dowladda Eretreya ku eedeeyay in ay waddo qorshe ay ku kala qeybineyso Isabaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya, isagoo xusay in uu aad uga xun yahay arrintaasi ay ku dhaqaaqday dowladda Eretreya, isagoo dhanka kale ku ammaanay dowladda Eretreya dedaalada ay u gashay sidii loo dhisi lahaa Isbaheysigooda oo sida uu yiri la’aanteed aysan suuragal noqoteen in la dhiso Isbaheysiga uu Guddoomiyaha ka yahay ee dib u xoreynta dalka Soomaaliya.

Hadalkii ka soo yeeray Q/Midoobay ee ku wajahnaa eedeynta ay u jeediyeen dowladda KMG Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya ee ahaa in dalka Soomaaliya ay soo geliyaan hub sharcidarro ah ayuu Sheekh Shariif taageeray, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay dhab tahay, ayna ku xadgudbeen dowladda KMG Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya qaraarkii Q/Midoobay ay soo saareen oo sanadkii 1991kii lagu mamanuucayay in hub sharcidarro ah loo soo geliyo dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha isbahaysiga Dib u Xoraynta Soomaaliya sheikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in Isbeheesiga uusan wax Bur bur ah ku imaan Isla markaan uu hadafkiisu Yahay Sidii loo dhisay ee ahaa in Dalka Soomaaliya ay ka xureeyaan Cadawga ku soo duulay waa sida uu hadalka u dhigayee.

Hadalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku soo beegmaya xili dhawaanahan ay soo if baxayeen qilaaf xoogan oo laga dareemayay in uu u dhexeeyo Xubaha Isbahaysigaasi oo qaarkood ay warbaahinta ka sheegeen in Aysan ku qanacaneeyn Talaabada ay qaadeen qaar ka mid ah Xubanaha Isbeheeysigaasi.

Abdirashid Abdullahi haydar

xeydar1@hotmail.com

www.jiinwabi. com

Djibouti




 

 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH