JINKAADA
LAJAAN QAAD JALIILKAA KUJIRSIIYEE
sheeko
taxane ah www.jiinwabi.com news 16/1/2008
Waa taxane aan ugu tala galay
iney ka faa ideestaan jiilka soo koraaya waxey si gaara u taabaneesaa
taxanahan dhawacyada iyo dhibka maanta heysta jareerweene halka
ey katimid una baahan in lasaxo oo la’islana fahmo. anigoo
soo qaadan doono qisa dhacdey muda aan dhaween dhabtiina idin
muujin doonta laba gabdhood oo saxiba ahaa lana kala dhihi jiray
xuriyo iyo xigmo.
Xigmo:.... xuruya haye ii waran
macaanteey maanta waaba soo daahdayee maxaa kugu dhacay
Xuriyo:... wax aan layaabo ayaan
xalay lakulmay abaayooy ma aqaan anaga meesha nalaga heysto aan
wax u fahami lanahay xaloodhan maseexan fikir leen ku jiray.
Xigmo:... seecamal bisinkee waaba
lagaa dareemaa maanta wejigaada mafiicnee.
Xuriyo:... Gbadhii iga weeneed
xalay saan wax u aqrisaneeney ayaa abe u wacay markasaa waxaa
loo shegeey in lasiiyay nin sacuudiga kayimid oo naag ii ilma
leh oo eysan kaseenin walaasheey aad eyey u naxdey ayadoo aan
hadalba afkeeda kasoo bixin ayaa ladhaqhay ducedeydaat qabtaayee
bax wax iska aqriso bisha soon fur aalagu nikaxaa soow wax lala
yaabo mahinoo.
Xigmo:.... Runtii abaayooy waa
waxaan faceen ugu harnay ee aan meel lagaari weeney bal ninkaas
xaasidnimo mey katahay ma istustus iyo isla weeni mey katahay
caruur iyo naag ayuu qabaa intuu ilmihiisa ku dadaali lahaa waxbarashadooda
ii horumarkooda ayuu waxuu sii radinayaa gabar yaroo hada soo
hanaqaadey inuu lugta ii lamada gooyo anaga hadaan jareer nahay
waxa nalagu tilmaamaayo anagaa isku keeney walaahi ilaah caqli
ii iimaan ayuu nagu maneestey waxuu ina baray inta farsamo ee
aduunka jirta waxaad arkesaa wiil jareeroo aan waxna qori karin
waxna aqrin karin hadana farsamada uu alle baray kan engineerka
ehee intaasoo sano jamacada soo dhiganaayay uusan sameen kareen
wallee alaihii ina uumay nama liidin ee angaa is liitnay.
Xuriyo:.... Abayooy waxba ha ooynin isha alaah waxaan waa kabaxeenaa
hadaan aniga u fiirsadey waxaan waa wax soo jireena oo aad moodaba
in anaga uu dhaqan uuba nooyahay waxbarashada agteena qiimaba
makalaha lakin walaahi waxaan hubaa keenii waxbarta inuu udhigmo
10 ban jileec ah oo wax baratay waxeyse su aal kataagantahay sideen
ugu baxnaa jaahilnimadaan ina heysata?
Xigmo:....Runtii jaahilnimo mana heesatee waxaa jira talagal nooga
yimid dhanka siyaasada waayo maba lihin siyaasi ama dad u taagan
oo ku fikiraaya sidee iskuugu duubtaa ama aad cadkooda ugu soo
dhicisaa kii xoogaa madaxnoqdo ama jago meel ka qabsado asaaba
ku ceynaayo wuxuu ismooda inuu hawada kusocdo subxaanalaah
Xuriyo:...kkkkkkkkkkk beentaa maahan abyadiis keenii waxbarta
oo la ogaado aqoontiisa si gaara ayaaba loo ilaashadaa ilaa laga
ogaado waxuu ku mashquulsanyahay waala daba taagan yahay hal quf
oo cidahiisa ah wax ma u qaban karo walaahi waa cajiib.
Xigmo:.... alla beentaa maahin malin ayaan waxaan raacey gabar
aan sanadkii hore isku galaas eheen afadooda ayaan tagay xisaab
ayaan tusinaayay oo eysan fahmin waxaa meesha ku sheekeesanaayay
laba nin oo ciodahooda ah walaahi calooshaa i hurtay markaan hadaladooda
maqlay waan sii joogi waayay waan kasoo tagey xafadeeda intaan
dhahay madaxaa i xanuunaayo masii joogi karo.
Xuriyo:....heee maxey ku sheekeesanaayeen
hadeeyba idhahaada ilma soo fariisteenee
Xigmo:... labada meesha fadhisay
midaa markaas badaiyahooda kayimid oo larabay in lasoo dejiyo
magaalada markasaa ladhahaayi anagaa guri aad degto oo aad yeelato
kuu radineeno dadkaan jareerta ah ee aan caqliga leheen ayaan
kaaga iibineenaa intaan sasabno oo aan dhahno fiiso sacuudiga
ku aadaan ayaan idin soo saarenaa markasaan si waya aragnimo ugu
iibsaneenaa nus boos ama booska oodhan ileen jareertu sacuudiga
eyeyba u heystaan inuu mareekanka lamid yahay ileen meelkale ma
yaqaaniinee markii lasoo tarxiilana kan kalaan ka iibsaneenaa.
lasaco
qeebta labaad
Eng: Aweys A abukar
all_xikaaya@hotmail.com