JINKAADA
LADHEEL JALIILKAA KU JIRSIIYEE
Qeybtii 3aad
XURIYO:-
Runtii xigmooy waa wax lala yaabo qoomdhan in laxaqiro aniga sheeko
waxaan ku maqlay oo aan soo ogaaday halgamayashii dalka usoo dagaaltamay
ee gumeysiga ladagaal tamay ineey jareer kamid ahaayeen abaabulka
iyo firgaradana ey ayaga ka imaatay hadaan tusaale usoo qaato
geesigii nasiib buundo ayaa kamid ahaa abaabulihii ugu weenaa
walooow uu waqtigaa eysan jirin midib kala sooc iyo xaqiraad waaliisku
wada duubnaa figradana waa liisku biirsan jiray.
XIGMO:- Waa run taa anba waa maqlay weli waxaa
jiray waqtigaa jareer isku duuban uu ilaah caqli iyo lixaadba
u dhameestiray dhanwaliba oo siyaasada kamida la aantood masoconjirin
weliba saan maqlay markii wadanka laga xureeyey gumeysiga dadkii
ugu horeeyey ee waxbarasho dibada loogu diro eyey kamid ahaayeen
jareer hasa ahaatee ragii magaca jareer inoo sidey kalintoodii
wey gabeen oo dardaarankii uukula dardaarmay nasiib buunde meysan
qaadan, oo halka dhawaca inoogu yimid halkaa eyey eheed ragii
aan dirsanay ayagoo dhan waliba kadhisnaa oo jareer oodhan hiil
iyo hoowlba lagarabtaagan eyey markeey dibada aadeen dibdanbe
uma soo noqon magacii jareerna halkaa ayuu ku dhumay.
XURIYO:- Waa runtaa abaayooy waxii markaa kadanbeeyey
odayaashii jareer waxey go ana sadeen ineysan cid jareera eysan
dibada u dirin ayagoo tusaale kadhiganaaya ragii aqoonta lahaaba
hadeey saa noqdeen maxaa u maleen kuwa hada joogo, waxaa intaa
kadib bilaawdey ina jareer kala jajabo siyaasad oodhana eysanba
waqtiga iskaaga dhumin maalintaa eyey bilaawatay hoos udhaca maanta
ina heysta markii la arakey inaan kala jabnay ayey bilaawatay
yastin iyo ineey inoo baxdo magaca ah caqli lixsaac waa ereygii
ugu horeeyey ey yestinta ii xaqiraada kubilaawato.
XIGMO:- Laakin mid ogoow xuriyoow markeey saa
dhacdey jareer waxey qaateen una bateen dhanka wax soo saarka
ii farsamada uu rabi ku maneestey waloow aanu noqonay mas madaxa
loogu fadhiyo aan dhana u dhaqaaqi kareen waxey sidaa ku socotaba
,dawladii ugu danbeesey ayaan soo yara indha furanay waxbarashadii
kuwada biirnay la arkey dhalinyaro jareeroo waxbaratay ilaa heer
ey gaaraan barfasooro iyo injineero lakain maxey kuugu taalaa
waxey sheekada noqotay QAWDA MAQASHII WAXNA HA UQABAN siyaasada
meesha kujirtayba waxey eheed in dhulkii jareer lasiiyo oo lasoo
dajiyo dadaan sida dharka loo xirtaba garaneen oo harag kuseexan
jiray.
XURIYO:- kkkkkkkkkk Alla beentaa maahin dhulkaan
loo bixiyay dajuume ii sablaale alla ma anaan garan dadkii layiiri
abaar ayaa kusoo dhacady waa in loo gargaaraa ala maxaa guriwalba
alaab loogu soo aruuriyay sida loo lahaa dhulkooda eyey ku laabanaayaan
maanta eyey taagantahay dhulka anagaa leh ey weliba kusii fideen
ilaa kismaayo .
XIGMO:- Xuriyoow abaayooy waxaa ogaataa Taariikhda waa
mid qoran waana taxane jiilba jiil sii dhaxlaayaan maanta somaali
oodhan liisla dhadhamiyay dhaawaca iyo dhibka dhulka soo wada
gaaray waana cara ilaah oo ilaa ii hada dhiigbaa baxaaya waxwalibana
wey cadaadeen dhulka ninkii lahaa wuu dhisaa ee madudumiyay jareer
waxwaliba halagu shegee cadaatay ineey dhulka leeyihiin cidina
denbi kama galin hasa ahtee taas naftirkeeda markii la arakey
in qabiilada oodhan jareer weene uusan waxba u geesan si eysan
jareer wadankaba u sheegan ayaa loo bixiyey ereyo ey kamid yihiin,
Mukulaal madoow iyo Looma ooye iyo ku toogasho baro ama kushaqeeso,taasina
waxaa loogu danleeyahay si dhalinyarada yaryar ee aan waxba kala
ogeen eysanba jareer liiskaba kudarsan saa darteed ayaa hataa
buugaagta loogu soo qoray jareer somali maahan lakin masuurageli
doontaa riyadaas?
lasoco khamiista danbe
Aweys A. A.
all_xikaaya@hotmail.com