Xildhibaan
Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen oo ka hadlay qaabka awood qeybsiga
ee DFKMG
January 6/2008 (JiinwabiNews)
Baydhabo
Xildhibaan
Sheekh Jaamac Xaaji Xussen oo ka mid ah xubnaha beelaha Jareerweyne
uugu jira xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG Soomaaliyeed ee haatan
fariisimkeedu yahay gobolka Bay magaalada Baydhabo ayaa maanta
ka hadlay qaabka Awood qeybsiga ee looyaqaan (4.5 power sharing
) asiga oo ku sugan magaaladda Baydhabo.
Xildhibaan Sheekh Jaamac ayaa
ku warbixiyay in ay jiraan gudi u ololeeya hergelinta adoow qeybsiga
in uu yahay midka lagu dhaqmayo, kadib markii ay shalay ansixiyeen
xubnaha Baarlamaanka cod aqlibiyeed 175 xildhibaan, gudigaasi
ayuu ku sheegay in uu u yahay gudoomiye xildhibaan Sheeq jaamac.
Gudigan ayaa waxaa soo xulay xubnaha
Baarlamaanka, tirada xubnaha gudiga udoodista awood qeybsiga oo
ah 18 xubnood ayaa u taagan in ay koontarooli doonaan xukuumada
iyo wasaaradaha, xildhibaan sheikh Jaamac ayaa gudigan u qaabilsan
in uu u shir gudoonsho gudiga dabo galka awood qeybsiga power
sharing-ka marka ay jirto cabasho ku aadan in aan la xusin adoow
qeybsiga.
Xildhibaan Sheeqa Jaamac Xaaji
Xuseen ayaa aad u dhaliilsan magacaabista golaha wasiirada cusub
waxuuna sheegay in ay haboon tahay in laga war sugo Ra'iisal wasaare
Nuur Cadde inta uu ka magacaabayo saxedda wasiir ee harsan, hadii
lagu soo dari doon wasiir beelaha jareerweyne ka soo jeeda iyo
in kale.
Si kastaba ha ahaatee, waa arrin
la filayay in xukuumadda cusub ee lasoo dhisay ay ka dhalan doonto
isqab qabsi iyo qilaaf, iyadoona xukuumaddii hore ay ku fashilantay
arrimo sidan ah.
Abdirashid
Abdullahi haydar
xeydar1@hotmail.com
www.jiinwabi.com
Mogadisho, Somalia