SOCDAALKEYGII, MUQDISHO-JABUUTI-NAYROOBI IYO DARUUFIHII KU XEERNAA (Cadibnaantii Garoonka Muqdisho, Qabowgii Garoonka Jabuuti iyo Quruxdii garoonka Nayroobi) {Warbixin dheer}

Waxay ahayd maalin Isniin ah, taariikhduna ay ku beegnayd 24/03/2008, waxaan u soo xirxirtay safar aan ugu ambabaxo dalka Kenya oo Suxufiyiin Soomaaliyeed oo aan aniga ka mid ahaa ay ku soo qaadanayeen tababar Saxafinimo.

Iguma cusbeyn in aan dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho aan ka ambabaxo, anigoo u socda dalal ka mid ah kuwa deriska, waxa kaliya ee aan galabtaasi dareemayeyna waxa ay ahayd dib u dhac ku yimid diyaaraddii aanu raaci lahayn aniga iyo dad badan oo Muqdisho ka baqoolayay, meelo kala duwanna ku sii kala jeeday, ma xaqiijin kareynin in cilladda dib u dhaca diyaaradda ay ka timid jahawareer ku yimid safarkii diyaaradda iyo in cillado kale ay la soo gudboonaadeen, balse xilli dambe oo galab ah ayey diyaaraddii aanu raaci lahayn timid, xilligaasoo aan weli looga baran diyaaradda Daallo oo ahayd diyaaraddii aanu raaci lahayn.

Garoonku waa kan diyaaradaha ee Muqdisho ee dhawaan loogu waqlayay Adan Cadde Airport Muqdisho, saxmadda iyo is jiirka dadku waxa ay ahaayeen mid aad u badan laakiin marka loo eego garoomada kale ee gobolka ku yaala waa kan ugu hooseeya adduunkana iskaba daa oo ma jirto garoon ka duulimaad yar oo dunida guudkeeda ku yaala, waxaana marka loo eego maalmaha kale ee caadiga ah ee Garoonka maalintaasi buux dhaafiyey Boqolaal qof, waxaana dadkaasi u arkayey inay ka koobnaayeen dhoofayaal iyo dad sii sagootinayey, waxaanse markii dambe ogaaday in inta badan ay ahaayeen dad Muqdisho ka dhoofayay, sababo kala duwan ha uga baxaane, sababtoo ah diyaaraddii aanu raaci lahayn ayaa buux dhaaf noqotay oo dad ka mid ah rakaabkii ayaa boos loo waayay oo la reebay, waxa kaliya ee aan isweydiiyeyna waxay ahayd diyaaraddu kuraasaheeda waa kuwo tirsan oo shirkaddu ay taqaano, maxay lambarada dadka ay qaadanayso ula socon weysay inta aysan Tikidhka u goynin, iyadoo dadkii rakaabka ahaa ay ku dhawaaqayeen qof yimid saakay 9:00 subaxnimo oo xilli maqribkii la leeyahay diyaaraddi ayaa ka buuxsantay.

Garoonka Muqdisho waa mid cadibaad badan soo gelitaankiisa iyo dhex joogiddiisuba ay tahay jahawareer, haddana waxa dadka safarka ah ay ka cabanayeen raashiin la’aan gudaha Garoonka ka jirta, iyadoo hal Baar oo ku yaala gudaha Garoonka uu sicir barar wax u iibiyo, tusaale haafka Baastada oo Baararka Muqdisho ka jooga 7 Kun Shillin Soomaali uu isagu iibinayay 15-Kun Shillin, dhalada ama gasaca cabitaanka ahina 10-Kun shillin Soomaali.

Iyadoo la daalay quusna ay dadku dhow yihiin ayaa abaarihii 5:00 Galabnimo diyaaraddii aanu raaci lahayn soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport, taasoo ahayd Diyaaradda Daallo Airlines oo ka mid ah diyaaradaha dalka Soomaaliya ee u kala goosha dalal kala duwan oo dunida ah, iyadoo maalmaha ay duulimaadka leedahay imaan jirtay Garoonka Muqdisho 12:00 duhurnimo, inkastoo dad badan oo aan anigu ka mid ahaa ay aad ugu jactideen sugiteenkeeda, haddana waxaa jiray dad badan oo tan iyo xilligaas ku howlanaa inay dhamaystirtaan dukomentiyada dhoofkooda, iyadoo ay daruufo ka taagnaayeen Makareeshinka Muqdisho oo ay ka muuqatay jilicsanaan xagga maamulka iyo kala daadsanaan, tiiyoo ay jirto baaritaanno badan iyo Dukomentiyo badan oo dadka la weydiinayo haba ugu sii darnaato Baasaboorkii hore oo in lagu dhoofo dowladda KMG Soomaaliya ay diideyso, iyadoo dadka dhoofayaasha ku cadaadinaysa inay qaataan Baasaboorka cusub ee dowladdu soo samaysatay, kaasoo dadku aysan wada heysan, kaasoo weliba dalalka lagu gelayo qaarkood ay diidan yihiin.


Baasaboorkii hore ee Soomaaliya isagu lagama jecla in looga dhoofo Garoonka diyaaradaha Muqdisho, haddana wuu shaqeynayaa, iyadoo saraakiisha ku shaqada howlaha Baasaboorka iyo dhoofitaanka ay si is-afgarasho leh u mootinayaan qofka wata Baasaboorkii hore, wax kasta oo ay tahayse labada Baasaboorba si isku mid ah ayaa loogu wada dhoofayey.

Dadkii ka dhoofayay Garoonka Muqdisho oo aan aniga iyo dhowr Saxafi kale ka mid aheyn waxay ku safrayeen Labo Baasaboor oo kala duwan, halka kuwo kale warqado dal ku gal ah ay ku safrayeen, iyadoo mushkiladda dhoofayaasha heysatay ay kow ka ahayd mushkilad dhinaca Baasaboorka ah iyo daruufo dadka qaar ka heystay dhinaca Dukomentiyada ee xagga socdaalka, waxaana in la xuso mudan ka sokow Baasaboorka aan wadanay oo aan la isku halayn karin in haddana ay jirtay kala daadsanaan iyo nidaam la’aan ka dhex muuqatay dadka Soomaalida ee safrayay dhexdooda, qof walibana wuxuu ka baqayay Dokomentiga uu wato in laga aqbali waayo, haddiiba aan lagu xirin.

Waxa aan sidaa u leeyahay Baasaboorada la watay oo qof waliba mid gaar ah uu ku safrayay oo mid la isku haleyn karaa aanu jirin, ayaa haddana dowladaha qaar diidayaan in dadka ku safraya Baasaboorka cusub ee dowladda Soomaaliya samaysatay ay Fiiso siiyaan, halka kuwo kalena ay diidayaan in Baasaboorkii hore Fiiso saaraan, tiiyoo ay jirto dalal labada Baasaboorba aqoonsan oo lagu geli karo dalalkooda.

Xilli habeennimo ah ayaanu gaarnay magaalada Hargeysa oo ahayd markii ugu horreysay safar anigu aan ka mid ahaa ay habeennimo ka degaan, laakiin dhowr jeer oo hore xilli maalinnimo ah aanu u tegi jirnay amaba safar ku sii mari jirnay, waxaana uga sii gudubnay dalka Jabuuti oo aynu gaarnay isla habeennimadii abaaro 8:45 daqiiqo oo xilligaasi ay diyaarado soo cago dhiganayeen kuwo kalena ka dhoofayeen.

Suxufiyeenteena Muqdisho ka ambabaxday oo kaliya ma ahayne waxaa jiray Suxufiyiin iyagana ka tagayay magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa oo qeyb nagala ahaa suxufiyiinta tababarka ugu socotay dalka Kenya magaalo madaxdiisa Nayroobi, iyadoo Suxufiyiinta ka imaanaysay Boosaaso ay soo marayeen Hargeysa oo ay ka sii raacayeen diyaaradda Ethopian Airlines oo dalka Kenya geynaysay, iyagoo isku duulimaad ay ahaayeen kuwa Hargeysa ka baxaya, kuwaas oo markii ay gaareen magaalada Addis Ababa Garoonkeeda Labo ka mid ah lagala haray, kadib markii lagu qabsaday qaladaad dhinaca Baasaboorkii hore oo ay wateen ah, kuwaas oo Xabsiga Garoonka lagu xiray muddo saacado ah, dibna loogu celiyay magaalada Hargeysa iyagoo sidaa uga baaqday tababarkii saxaafadeed ee ay dalka Kenya ku qaadan lahaayeen.



Suxufiyiinteenii Muqdisho ka baqooshay oo ay na wehliyeen kuwo magaalada Kismaayo ka socday waxaan ku cawo barinay garoonka diyaaradaha Jabuuti gudihiisa oo naloo diiday inaan gudaha magaalada galno maadaama aanu Transit nahay, iyadoo gudaha Garoonka diyaaradaha Jabuuti uusan lahayn Hotel ama Hoy kale oo dadka musaafurka ee Transitka ku ah Garoonka Jabuuti ay ku sii nagaadaan ayaa waxay dani na badday in kuraasta garoonka aanu in ka badan 15-saacadood ku sugnaano, inagoo ku dul hurudnay kuraasta loogu talo galay dadka Taransit ah inay daqiiqado ku nastaan, tiiyoo qabowga uu aad u darnaa.

Si kastaba habeenkaasi waxaan ku barinay gudaha Garoonka diyaaradaha Jabuuti wallow ay si aad ah inoo dhibaysay qabowga daran oo ka jiray gudaha Garoonka, inkastoo gudaha dalka Jabuuti uusan xilligan qabow darani ka jirin haddana qalabka wax qaboojiya oo Garoonka ku rakibnaa ayaa dadka aan la qabsan karin u saamaxaynin in ay u adkaystaan qabowgaas, taasoo jirta ayaan haddana dhex jiifanay habeenkaas.

Maalintii xigtay ee Talaadada duhrunimadii ayaa diyaaradda Kenya Airways oo aanu raaci lahayn Garoonka soo caga dhigatay, inagoo Transit daqiiqado kooban ku sii ahayn magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia, laakiin waxaa inoogu naxdin badneyd kadib markii aanu guda galnay hawada magaalada Nayroobi oo roob xoog badani uu ka da’ayey, taasoo keentay in diyaaraddu degi weyso, iyadoo muddo badan ku heehaabaysay hawada.

Qiyaastii 18 – 20 daqiiqo oo ay diyaaraddu degi la’eyd ayaanu hawada meereysanaynay, inkastoo duuliyaha diyaaraddu nagu wargeliyey in roob awgii muddo daqiiqado ah hawada lagu sii jirayo haddana dadka rakaabka oo aniga iyo Soomaali kaleba ka mid ahayn wey dareensanayeen diyaaradda oo ay u suurageli la’dahay in ay cago dhigato Garoonka diyaaradaha Nayroobi, mar kasta oo ay kor u sii kacdana baqdinta rakaabka aad bay u sii kordheysay, inagoo ugu yaraan 2 jeer dul heehaabaynay magaalada Nayroobi diyaaradda oo cago dhigan la’ awgeed.

Si kastaba ha ahaatee awoodda Rabbaaniga ah ayaa saamaxday in iyadoo roobkii da’ayo ay diyaaraddu ka degato Garoonka diyaaradaha Nayroobi si nabadgelyo ah.

Garoonka Jomo Kenyato wuxuu ahaa mid aad u buuq badnaa oo Boqolaal qof ay ka dhoofayeen, kuwo kalena ay ka deganayeen, halka kuwa Transitka ku ahna ay ka sii badnaayeen kuwa dhoofayay iyo kuwa soo degayay. Haddii si kale loo yiraahdana Garoonka Jomo Kenyato waa Garoonka ugu weyn uguna saxmadda badan garoomada diyaaradaha ee Geeska Afrika, waxaana saacado badan naga qaatay ka gudbitaanka gudaha Garoonka arrimo la xiriira Dukomentiyada aan wadanay iyo farsamooyin kale oo ka jira Garoonka dhexdiisa, iyadoo habeenkaasi aanu ka casuuneyn Xarunta Kaltuurada dhaqanka Faransiiska ee magaalada Nayroobi oo ay ka dhacaysay dood ku saabsanayd saxaafadda Soomaaliya, laguna soo bandhigayay filin ka tarjumaya dhibaatada Suxufiyiinta Soomaalidu la kulmaan ayaanay nasiibdarro inoo suuragelin in xafladdaas aniga iyo Suxufiyiintii Muqdisho ka socotay ay ka qeyb galaan, taasoo aan u aanayno culeys dhinaca safarkeena ku yimid iyo gudaha Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyanti oo aan cadib ba’an kala kulanay kagadaal markii nala aqoonsaday inaan Soomaali nahay ayayna timid in waxoogaa culeys ah inala saaro, anagoo mar dambe isku furdaaminayay laaluush oo sida lawada ogsoon yahay dalalka Afrika oo dalka Kenya ay ugu horreyso ka ah wax caadi ah.

Waxaa sidoo kale dib u dhaca nagu yimid ee aan uga qeyb geli weynay xafladdaas u sabab ahaa hay’addii na casuuntay oo fariimaha ay inoo soo direen ay ka mid ahaayeen in marka aanu nimaadno Garoonka Jomo Kenyato ee dalka Kenya aanu soo qaadan karin wax Taksi ah ama Gaari kale oo iyaga ay inoo diyaarinayaan, balse Gawaaridii ay inoo soo direen ay degdeg ku soo gaari waayeen Garoonka waddooyinka Nayroobi oo Jaam ahaa awgood, taasina ay nagu keentay in Garoonka aanu ku sugnaano muddo ku dhawaad 2 saacadood ah.

Si kasta oo ay ahaatase gawaaridii way ina soo gaareen waxayna inoo soo galbiyeen Maridian Hotel oo ku yaala bartamaha magaalada Nayroobi halka loo yaqaano Town-ka, waxaana isla subixii xigtay inagoo aan nasan inoo bilowday tababarkii saxaafadeed ee aanu ku soconay, iyadoo xafladdii furitaanka tababarkaasi ay ka soo qeyb galeen safiirka Kanada ee Nayroobi iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socotay hay’adda UNESCO iyo ururka CIDA ee dalka Kanada oo iska kaashanayay bixinta tababarka, iyagoo la kaashanaya ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.


Tababarka oo bilaabanayay aroor waliba 9:00 subaxnimo ayaa soconayay ilamaa 6:00 maqribnimo, taasoo sababtay in aanu jaanis u weyno inaan magaalada booqasho ku tagno, wallow ciddii daneynaysa in ay magaalada u dhaadhacdo ay marka siminaarka laga baxo aadaysay.



Aniga oo si gaar ah u xiiseynayay inaan Nayroobi kula kulmo asxaabteydii Muqdisho ka soo haajirtay ayaa degaanka Islii oo ka tirsan xaafadaha magaalada Nayroobi ugu magaca weyn oo ay degan yihiin dadka Soomaali ah booqday, waxaana kula kulmay suxufiyiin badan oo Soomaaliya ka soo carartay kadib markii suxufiyiintu ay noqdeen kuwo lagu bartilmaameedsado Soomaaliya oo qaarkood la dilay, la dhaawacay, la jir dilay, kuwo kalena loo hanjabay, qaarkood xabsiyo ay muddo ku xirnaayeen laga soo daayay, qaar kalena cabsi awgeed ay isaga soo carareen, inkastoo suxufiyiintaas ay heleen ballanqaadyo haddana ma jirto cid si gaar ah wax ugu qabata, marka laga reebo ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo suxufiyiintaasi galaangal badan u sameeyay kuna guulaystay in saddex ka mid ah tababar ku soo qaataan dalka Faransiiska, kuwa kale ee harayna waxoogaa jeeb gashi ah uga soo qaaday ururada saxaafadda caalamka gacan siiya, walow aysan ahayn wax mar walba ay helayaan, iyadoo haatan suxufiyiinta Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya ay nolol adag ku nool yihiin, waxaana jira Suxufiyiin isaga tagay Nayroobi oo Tahriib dhinaca dhulka ah ugu ambabaxay dalka Liibiya, halkaas oo ay qorsheynayaan in dalal Yurub ka mid yahay uga sii tallaabaan.

Waxaa jira Suxufiyiin kale oo ay dhibaato ku heysato dalal ku yaala Geeska Afrika iyo kuwa Carabta, tiiyoo ay jiraan kuwo ku xiran dalal Afrikaan ah oo lagu qabtay xilli ay ka sii tallaabayeen.

Suxufiyiinta ku nool dalka Kenya oo aan wax sharci ah heysan ayaa marka la gaaro Maqribkii isaga xarooda magaalada si aan ciidamada dowladda Kenya gacanta ugu gelin, taasoo iyana ah dhibaato kale oo suxufiyiinta Soomaaliyeed ku heysata gudaha dalka Kenya, wuxuuna haatan xaalkoodu u muuqdaa cidi uma maqna ceelna uma qodna.

Ma aha inaan si gaar ah u buunbuunineyno suxufiyiinta Soomaalida ee ku dhibaateysan daafaha dunida, balse waxaa taa la qaba dadweyne Soomaaliyeed oo ka cararay dagaallada Soomaaliya iyo kuwo arrimo kale u tegay dalalka dibadda, laakiin suxufiyiintu waxa ku dhacday dhibaatada ugu daran, marka loo eego xirfadda ay yaqaanaan oo ah kaliya weriyenimo.



Muddo 5 maalmood ah oo siminaarku inoo socday kadib ayaa waxaa inoo soo xirmay tababarkii, waxaana ka soo ambabaxnay Nayroobi maalintii Isniinta inagoo safarkeenu ahaa Nayroobi-Jabuuti-Muqdisho ayaa haddana muddo saddex maalmood waxa aanu transit ku ahayn Jabuuti, waxaase nasiib wanaag Xoghayaha ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Cusmaan Nuur (Faaruuq) uu inoo fududeeyay in Saddexda maalmood ee aanu safarka ku nahay Jabuuti uu inoo soo dhameeyo inaan gudaha magaalada Jabuuti ku sugnaano, iyadoo la hadal hayay in Suxufiyiinta transitka ah aan loo ogoleyn inay gudaha u galaan Jabuuti balse aysan anaga taasi na saameynin kagadaal markii uu dadaal sameeyay Faaruuq.

Muddadii aanu joognay Jabuuti waxaan ku arkay saxifiyiintii colaadaha Muqdisho ka cararay ee Hargeysa laga musaafuriyey, kuwaasoo dowladda Jabuuti ay magangelyo siisay. Waxay ii sheegeen inay ku dhibaateysan yihiin Jabuuti, inkastoo ay heysteen wax ay cunaan iyo Hoy ay jiiftaan, haddana waxa ay ka welwelayeen in rag waaweyn iyagoo ah xaalkoodu ku koobnaado cun, cab, seexo soona toos, wax kalena ha qaban, cid kalena wax ha u tarin gaar ahaan ehelkooda Soomaaliya jooga oo ay aad uga welwelayeen.

Qaar suxufiyiintaas ka mid ah oo xaasas iyo Carruur Soomaaliya uga tagay waxay ka walaacsanaayeen in aysan ka warqabin xaasaskooda iyo ubadkooda oo xitaa aysan heli karin telefoon ay kula hadlaan, biil iyo qqarashaad ay u diraan iska dhaafe, iyadoo qaar suxufiyiinta ka mid ah ay ku taamayeen inay dib ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya si ay eheladooda iyo xaasaskooda uga war qabaan, waxayna waxyaabaha ay I weydiinayeen ka mid ahaa xaaladda Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho oo in lagu noqon karo ay wax iga weydiinayeen.

Si kasta oo ay ahaataba Jabuuti waxaan ka soo ruqaansanay aroiornimadii Khamiista oo ku beegnayd 3-da bisha April 2008, wax dhib ahna kala kulmin, inkastoo diyaaradda aan soo raacnay oo ahayd diyaaradda Daallo oo ah diyaarad noocyadii ugu horreeyay ee guuxa badnaa ah oo Soomaaliya iyo Jabuuti inay ka dhex gooshta mooyaane aan dalalka kale ee caalamka laga ogoleyn ay rakaabka cabsi weyn ka qabeen, iyadoo la mid ah Basaska qaraabka ah ee xaafadajha Muqdisho ka dhex shaqeeya marka loo eego diyaaradaha casriga ah ee dalalka kale ee Caalamka ka shaqeeya.

Abaaro 11:30 daqiiqo ayaanu ka soo deganay Muqdisho markii aan Makareeshinka u soo gudubnay isla markiiba waxaa nagala reebtay Baasaboorkii

aanu wadanay oo ahaa midkii hore ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre bixineysay, iyadoo dadka watay Baasaboorka dowladda C/llaahi Yuusuf loo dhaafayay Baasaboorkooda, laakiin haddii 5 doollar iyo wax la mid ah aad bixiso aad dib u heleyso Baasaboorkii lagaa qaaday.


Baasaboorkii hore iyo midka cusub ee dowladda C/llaahi Yuusuf labaduba si caadi ah ayaa looga dhoofaa Muqdisho, waxaase layaab leh iyadoo dalalka Kenya iyo Itoobiya oo dowladda Soomaaliya aqoonsan ay Baasaboorada labada ah lagu wada geli karo dalkooda, weliba layaabka kale ee aan Kenya ku arkay ayaa ah in labada Baasaboor aysan dowladda Kenya wax Fiiso ah ku dhufanaynin kaliyana qofka Soomaaliga ee Baasabooradaas wata Fiiso warqad ah la siinayo, Itoobiyana sidaas oo kale ayay suxufiyiintii ka yimid iigu sheegeen, arrintaas oo ah in weli aqooinsiga dowladda Soomaaliya ay far ku godan tahay, mar haddii Baasaboorkii dowladda Soomaaliya soo samaysatay aysanba aqoonsanayn.

Abdirashid Abdullahi haydar
www.jiinwabi.com
Tel:-+25215507763
E-mail:- xeydar1@hotmail.com
/ / :- rashiid.xaydar@gmail.com
Mogadishu-Somalia.

 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH