Cabdicasiis
Mukhtaar Qariidi ayaa ka warbixiyay dib u dhac ku yimid shirkii
dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka ee Magaalada Kismaayo
Xoghayaha dib
u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdi-Casiis Muqtaar
Qariidi ayaa ka war bixiyay dib u dhaca ku yimid shirkii 15/3/2008
ee lagu balan sanaa in uu maanta dib uga furmo magaalada Kismaayo.
Shirkaan dib udhaca
ku yimid ayuu xoghayaha mudane Qariidi ku saleeyay isbadalada
ku yimid xukuumaddii hore ee Prof Cali Max’ed Geedi iyo
tan hadda ee uu ra’iisul wasaaraha u yahay Nuur Cadde iyo
xaaladaha isdabataalla ee kusoo kordhay dalka Somalia.
“Aad iyo
aad baan uga xumahay inuu shirkaan dib u dhac ku yimaado, madaama
aan horay u go’aaminnay shirkaan, dib u dhaca waxa keenayna
waa duruufo dalka ka jira iyo sababo badan oo la xiriira xagga
Logistic-kada iyo isku dubaridkiisa iyadoo la ogyahay marxaladaha
uu dalku marayo” ayuu yiri C/casiis Qariidi.
Mudane Qariidi
ayaa ka warbixiyayh sidoo kale safarradii ay horay ugu tageen
gobollada Jubbooyinka, wuxuuna xusay inay u tageen arrimo khuseeya
dib u heshiisiinta beelaha ku dhaqan halkaas.
“Beelaha
reer Kismaayo iyo dhammaan dadka jubbooyinka waa dad bislaaday
oo laga filayo inay nabadda sii ambaqaadaan, aniga halkaas muddo
ayaan joogay, waxaan kusoo arkay dad badan oo isugu jira rad iyo
haween, kuwaasoo hormuud u ah u ololeynta nabadda, haddana kama
filayo inay is colaadinayaan dadka ku nool jubbooyinka oo isugu
jira Somali weyn kana kooban 11-qabiil, isuguna sii dhex jira
4.5-ka oo ku dhisan awood qaybsiga Dowladda” sidaa waxaa
yiri Qariidi.
Mar uu ka hadlayay
guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayuu yiri Qariidi: “Guddiga
dib u heshiisiinta qaranka, wuxuu raadinayo waa nabad iyo wadanoolasho,
adduunkana way ka dhacdaa in shirar caalami ah uu dib u dhac ku
yimaado, INSHA ALLAAH, waxaan ku talageli doonnaa inuusan dib
u dhac dambe ku imaan shirarka dib u heshiisiinta”
Dhanka kale, dadka
deegaanka Jubbooyinka gaar ahaan kuwa dhaqanka iyo nabadda ayaa
la sheegayaa inaysan ku qanacsanayn inuu dib u dhaco shirkaas
oo muddo dheer ay sugayeen.
Beelaha ku nool
Jubbooyinka ayaa waxay dusha kaga tuureen Dowladda Somalia eedeyn
ku aaddan inaysan isku-shuqlin qabsoomidda shirka lagu nabadeynayo
Jubbooyinka; madashiisuna tahay Kismaayo.
Abdirashid Abdullahi
haydar
www.jiinwabi.com
E-mail:- xeydar1@hotmail.com
Mogadishu-Somalia.