Jilaaga caanka ah ee Ow Kuu-kuu oo Muqdisho ku xanuunsanaya

www.jiinwabi.com news 20/03/2008 Muqdisho

Jilaaga caanka ka ah dalka Soomaaliya iyo qeybo dalalka dunida ka mid ah kana tirsanaa Hobolladii Qaranka ee Waaberi ayaa waxa uu ku xanuunsanayaa magaalada Muqdisho.

Jilaaga C/llaahi Amiir Rooble Ow-Kuu Kuu oo tan iyo xiligii burburka uu ka jiray dalka Soomaaliya aan ka bixin dalka Soomaaliya ayaa wuxuu haatan aad ugu xannuunsanayaa hoygii Fannaanta Soomaaliyeed ee Ex.Fiyoore oo ku dhegan Tiyaatarka weyn ee Muqdisho.

Ow Kuu-kuu oo qaba xaas iyana Fannaanad ah oo lagu magacaabo Nuurta Saleebaan Abaliisha oo loo yaqaano (Nuurta Jeeloow) una dhashay dhowr carruur ah ayaa waxay kuwada sugan yihiin hoygii Fannaaniinta ee Ex. Fiyoora.

Jilaaga C/llaahi Amiir Rooble Ow-Kuu Kuu ayaa haatan xaaladdiisa Caafimaad waxay tahay mid aad u liidata, dhawaqa kaliya ee uu ku leeyahay qofkii soo booqdana waa “ii soo duceeya”.

Ow kuu-kuu oo marar qaarkood ka qeyb qaadan jiray Bandhig Faneedyo ay sameyn jireen Fannaaniin aan dalka ka bixin iyo weliba kuwo soo baxay xiligii burburka, ayaa sidoo kale wuxuu wax ka sameyn jiray muddooyinkan dambe Sheekooyin isugu jira kuwo ka tarjumaya dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya, kuwo ku saabsan Wacyigelinta Bulshada iyo kuwo Jaceylka ku saabsan, kuwaasi oo laga sii daayo qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, balse haatan howshaasi waa uu gabay oo wuxuu u baahan yahay cid u gargaarta.

Abdirashid Abdullahi haydar

xeydar1@hotmail.com

www.jiinwabi.com

Mogadishu-Somalia.



 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH