NIN XANUUNSAN
OO XAL U BAAHAN

Hooyo Muumino Isaaq Caafi oo ah hooyo soomaaliyeed
oo dhashay Hal wiil oo kaliya ayaa waxaa ay websideka Jiin webi
uga warbixisay xaaladda wiilka kaliya ee ifka ilaahay hibo u siiyay
oo lagu magacaabo C/risaaq Qamaan Xasan oo ay soo foodsaartay
xanuun xagga caloosha ah oo ay mar walbaa biyo soo buuxiyaan ,iyadoo
markaasi la moodo islaan xaamilo ah oo sagaalkeedi galay sidaasi
darteedna Muddo saddex jeer ah laga saaray biyahaasi soo buuxdhaafiyay
Calooshiisa .

C/risaaq wuxuu ku dhashay kunma soo barbaaray
Qalaafe halkaasoo uu ka xoogsan jirey intii aanay masuiibadaa
haleelin Xaaladda Caafimaad ee C/risaaq Qamaan Xasan oo waalidkii
ay u caal waayeen ayaa waxaa hadda si buuxda loogu soo bandhigay
soomaali weynta ku kala sugan adduunka dacaladiisa kala gedisan
sidii ay wax ugu qaban lahaayeen Bukaankaasi ay hooyo iyo Aababa
kaligii dad ka qabaan , si kastaba waxaa jirta in ay Hooyo Muumino
Isaaq Caafi ay ku daashay wixii ay xoolo qabtayna u hurtay sidii
ay ugu dabiibi lahayd Wiilkeeda qaaliga ah oo aysan cidina u wehlin
, waxaana jirta in dhaqaatiir soomaaliyeed oo ay ka mid yihioin
Prof. Dufle iyo Dr. Dasuqi iyo dhaqaatiir kaleba lagala daalay
sidaasi darteed ayaa waxaa sidoo kale lagala daalay Dawo soomaali
dadka wax ku dabiiba kuwaasoo sida ka muuqata sawirkiisa ay dab
fara badan si arxan darro ah kala daaleen .
Hooyo Muumino isaaq Caafi ayaa waxaa ay hadalkeeda
intaasi ku sii dartay in daweynta wiilkaada xanuunsan ay u sii
dheer tahay Biilka ciyaalka uu dhalay oo gaaraya 6 Caruur ah oo
isugu jira Afar wiil iyo labo gabar si wiilkeeda madiga ah uu
u madi boxo waxaana jooga aabihii dhalay wiuilkaa xanuunsan oo
sagaashan jir ah .

Sidaasi darteed ayaa hooyo Muumino Isaaq waxay
shacabka soomaaliyeed ka codsanaysaa in gar gaar bani’aadminimo
loo fidiyo isla markaana ciddii ilaahay wax u dhiibay ay gacan
ka geysato sidii wax loogu qaban lahaa wiilkeedaa xanuunsan una
baahan kaalmo bani aadminimo oo buuxda .
Hadaba cid alaale iyo cidii gacan u gaysanaysa
ha joogto dalka gudhiisa iyo dibadiisa fadlan naga loo siriirra
Emailkan iyo telfoonadan hoos ku qoran .
Madaxa Home pages jiinwabi.com
C/rashiid c/laahi xeydar
Rashiid.xarydar@gmail.com
Xeydar1@hotmail.com
Tel:- 00-252-1-5507763
Telfoonka lago helo wiilka bukaanka ah
TELL. 5848846 -5559110 .