Dalladda Mideynta Dhallinyarada Soomaaliyeed [USYU] oo shir ay kaga hadlayeen arrimaha dhallinyada Soomaaliyeed ku qabtay Magaalada Muqdisho

Shir looga hadlayay arrimaha dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay Dalladda USYU laguna qabtay Degmada Madiina ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu salka ku hayay sidii wax loogu qaban lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xubnaha shirka ka qaybgalay ayaa waxay si adag uga hadleen dhaqaalaha daladda, maadaama daladdu ay tahay mid doonaysa inay wax weyn ka qabto xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed.

Doodda kulankaas oo ahayd mid adag ayaa waxaa lagu soo bandhigay in qaabka ugu habboon ee ay dalladdu ku heli karo lacago wax looga qabato dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka cararayo dalkooda inay tahay in lacago iska ururiyaan, inta ay ka helayaan taageerooyin dhaqaale oo caalami ah.

Xubnaha dooddan yeeshay oo ahaa guddiga fulinta ee Dalladdaan oo gaaraya 15-xubnood ayaa waxay go’aansadeen inay lacago iska ururiyaan si ay kor ugu qaadaan howlaha ay u hayaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa hoggaaminayay Max’ed C/llaahi Yuusuf oo ah guddoomiye ku xigeenka dalladdaas, wuxuuna ku yiri hadal uu jeediyy in looga baahan yahay guddiga Contribution [Lacago la iska ururiyo] taasoo ay soo dhaweeyeen xubnihii kulanka ka qaybgalay oo isugu jiray rag iyo haween.

“Arrinka lacag ururinta waa mid u baahnayd in xilligaan laga horumariyo, si wax badan loo qabto dhibaatooyinka faraha badan ee haysta dhallinyarada Soomaaliyeed oo caado ka dhigtay inay dalkooda ka cararaan” ayay tiri xoghayaha guud ee Dalladda USYU oo hadal ka jeedisay kulanka.

Cudbi Suleymaan Mahdi oo ah xoghayaha Dalladda ayaa waxay intaas ku dartay in loo baahan yahay waqti xaadirkaan lacago loogu deeqo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka, kuwa barakacay iyo weliba kuwa ku jira Isbitaallada ee xananuunnada kala duwan la il-daran.

Sidoo kale, waxaa fadhiga kulanka ka hadashay Khadra Cali Caddoow oo ka mid ah xubnaha dalladd iyadoo sheegtay in dhibaatada dalka ka jirta ay tahay mid aad u baahsan, loona baahan yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed wax loo qabto, maadaama aysan jirin dhaqaale badan oo dalka gudihiisa ka imaan kara.

Sidaa darteed, waxaana ka codsanaynaa bay tiri meel walba oo ay joogaan taageerayaasha Dalladda Mideynta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan USYU inay dalkooda iyo dhallinyaradooda taageeraan.

Kulanka ayaa wuxuu kusoo gabgaboobay jawi farxadeed, iyadoo xubnaha ka qaybgalay ay isku afgateen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo wax u qabashada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dalladda USYU, waxaa lagu aasaasay Muqdisho, July 27, 2004. waxaana ay ka dhalatay shir ay yeesheen 8-urur dhallinyaro oo ka howlgala Muqdisho.

Ciddii daneynaysa inay la soo xiriiraan Dalladda fariimaha haku hagaajiyeen:

Tel: +252-1-621554
Tel: +252-1-624472
E-mail: usyu_mog@hotmail.com
E-mail: maxamedfanax@gmial.ocm

 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH