JINKAADA LA JAANQAAD JALIILKAA
KU JIRSIIYEE
Qeybtii ugu danbeesey
XURIYO:- Xigmooy abaayo waxwaliba
aduunka wey dhaca yaan ruuxwalibana waxuu alle u qoray magafaayo,
samirka iyo dulqaadkana sed suuban eyey kuugu ridaaa, siwaliba
ha ahaatee waxuu hadal kataaganyahay sidee jinkeen ula jaan qaadnaa
jiilka soo koraayana jid toosan ugu falnaa?
XIGMO:- Mashaa alaah xuriyooy waxaad ku hadashay ereyo
xigmad lahoo uu fahmi karo ookaliya ruuxii alle xigmad ku maneestey
xanuunka jirkiisa soo graayna fahmaaya.
Runtii maahan wax adag ama hool
culusoo loo taag heleen aad ii aad eyey u fududahay marka hore
waa ineey ogaadaan
1):- beesha jareer weene ineey tahay dad jira soona jiri jiray
aduunka intuu taaganyahayna jiri doona.
2):- In rabigii uumay u nimceeyey qadarin iyo qiima gaarana uu
siiyey caqli iyo cilmi kufilana ey leeyihiin ruuxa bini adanka
ihi asagaa meel iska soo saari kara ama isliidi kara hadba waa
sidaat adiga iska dhigto waayo irsaqaada rabi ayaa lamaana qaadey
dhididkaada ayaad maalaneesaa cidina baryi meesid.
3):- waa inaad ogaataa hadaad is muujisana waad muuqan hadaad
is qarisana weligaa waad qarsanaan ogoow oo maskaxdaada geli in
jiil kaa danbeeyo wadadaat u fasho maanta ey ayagana mari doonaan.
XURIYO:- Masha alaah walaahi aad ayaan ugu faraxnahay
figradaada xigmooy waarun waa ineey iska dayaan isficlida iyo
kala qeebsananta dhexdooda waa inaad ogaataa waxa laguula dagaaltamaayo
ee aanba la ogleen waa horumarka uu rabi ku gaarsiiyey
kuseexo kusoo toos siduu rabi kuu uumay ruuxa kuugu xaqiraaya
ee kuugu ceynaaya walaahi inuusan waxba kuu ogoleen waa inaad
ogataa waxataa keeney ineey tahay nimcada aad degentahay iyo farsamada
uu rabi kuugu mamneestey hadaad intaa adigoo heysta, siyaasada
ii cilmiga kusii korarsata waahubaal darajo aan marnana laguugu
soo gaareen inaad heleeso.
XIGMO:- Waxaan kaloo aniga figradeyda ahaan ugu biirin
lahaa dhibwaliba oo dhaca dheef ayaa kadanbeesa maanta waxuu wadankii
taaganyahay nin walboow kartidaada muuji. waloow aan aad ugu faraxsanahay
beesha jarer weeno oo manta muujiyey kalain ween oo dhan waliba
taabankarta ruux waliboow meesha aad joogto kalintaada kaqaado
adoon cidina wax u dhiman muuji waxaatahay iyo waxaad gasho isha
alaah jiilka soo kioraaya waxey ku danbeen doonaan nolol iyo barwaaqo
.
Gaba gabadii sheekada hadaan ahay qoraaga soo aruuriyay marxaladaan
kala duwan ee runtii si gaara u taabatay beesha jareer weene waxaan
ugu danleeyahay ineey ka faa ideestaan ayagoo caligooda ii cilmigooda
kashanaaya.
labada kalmadood ama hablood ee aan ku magacaabay XURIYO IYO XIGMO
waxaan uga dan lahaa xigmo hadeysan jirin waa hubaal inaadan gareen
xurnimo waa inaad meelwaliba ka muuqataa ha isku dayin inaad kamaqnaatoo
beri lagu yiraahdo mahadaad hurdada kasoo kacdey.
Walaalaheyga qiimaha iyo sharafta lahaayoow ee lasocdey qoraalkeyga
anigoo idinku mahad celinaaya sidaat ila socoteen qoraalkeyga
aan ugu magaca daray JINKAADA LAJAAN QAAD JALIILKAA KUJIRSIIYEE
intaa ayaan kusoo gaba gabeen waxaan si gaara ugu mahad celin
walaalkeey rashiid oo runtii la aantiis aan iisuura geli leheen
inaan qoralkeyga idin soo gaarsiioyo waxaan leeyahay walalkeey
rashiid marlabaad ii marsedexaadba mahadsanid.
W/Q Aweysa A. A ( All_xikaaya).