JINKAADA LAJAAN QAAD JALIILKAA KUJIRSIIYEE
Qeybtii 2aas

XURIYO:- Walaahi waa wax cajiiboo murugo iyo ciil badan hasa ahaatee xikmooy aduunyada sideedaba waa midaan lagu waareen imtixaankeeda ii shidadeedana ey badantahay, waxaase ku liibaanayo aduun iyo akhiraba ruuxa samirka iyo dulqaadka badan iimaankiisana ilaah u sugay.

XIGMO:- taasi beentaa maahan abaayadiis taariikda jareer weene maahan mid yar ama lasoo koobi karaayo waa mid fog odayaal malain sheekee sanaayay taariikhda jareer weene waayabee sideey ugu hadlaayeen maantana waxeyba taagantahay in layiraahdo somaliba maahan oo buugaagta lagu soo daawaco lakin waxaa cadeen ween ah deeganada ey degenyihiin oo ah meelihii ugu barwaqaada badnaa wadanka horumar kiisa ahaa ey aduunyadana maanta somaliya kufaaneeso.

XURIYO:- Walaahi beentaa mahan hada kahor ayaa waxaa dhacdey dugsigeenii dhexe ayaa macalin maclimiinta kamid ahaa oo maadada taariikhda dhigaayay ayaa malin waxuu dhahay.. alla aduunyadanaa..
siduu casharka noogu sharxaayay ayuu dhahay qoomiyada jareer maahan soomali waxey nooga yimadeen wadamada afrikada sida tansaaniya, markiibaa wiilaa soo boodey oodhahay macalin sanadkee eyey eheed hadeysa taa sax tahay maxaa dajiyay meelaha dhulka somaliya ugu qeerka badan walaahi wiilkii markuu intaa dhahay macalinka waxkale madhihinee wiilkii ayuu galaaska ka baruriyey asna dibdanbe iskuul uma imaan bal kawaran .

XIGMO:- Aad ayaan ugu xumahay waxaa larabay inuu markaas dacweeyo ileen dawlad ayaa jirtee maaheen inuu iskulka iska joojiyo aad ayaan ugu xumahay, waxaa isoo xasuusisay arin cajiib leh oo kadhacdey wadanka iswesirland wiil kasoo jeeda jareer weene ayaa waxey is jeclaaden gabar cadaana oo wadankaas u dhalatay markaasuu waxuu la imaan jiray meelaha ey somalida ku kulmaan, maalintii danbe gabdhii ayaa lagu diray oo ladhahay ninkaan aad lasocto waa dadkii aan anaga gumeesan jirnay maahan somali gabdhaha somalida maguursadaan marka sharaftaada inaad dhoorato mardanbe yaan la arkin adoo garabka kaheysta. wiilkii asoon waxba ogeen oo shaqo kayimid ayuu saxibtiis soo maray si ey isla soo cunteeyaan markaaseey ku xanaaqdey maxaa iigu sheegi weeysey inaad noocaas tahay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

XURIYO:- Bisinka ii burdaha oo maxaa loo dhahaa marka HIDLER WAA DHINTAY ileen hitler weli waaba noolyahee walee somali wax ka cunsiri badan aduunka kuma noola alla xaasid sanaayeey haye muxuu sameeyey marka.

XIGMO:- Walaahi nin rag uu ahaa intuu soo wadey ayuu waxuu tusiyay waxey ku qanacdo meelaha ey degaan jareer weene markaasuu kuyiri balweedii somalida intee ka imaateen dheh asalkinii .

Gabdhii waxey soo ogaatay in somalida dhahaan carab ayaanahay oo carabta ayaan ka imaanay ay dhahaan, malintii danbe eyey u timid una sheegtey inuu yahay somliga dhabta ah eelahubo inuuyahay intakalana ey sheegato.
Markaaseey waxey ku tiri waayo ey xumaanta ilaa heerka intaan gaarsiisan ey idnkula kacaayaan waacadahay in aad idinka soo dhaweeseenee ma iisheegi kartaa?

lasoco khamiista danbe

Aweys A. Abukar
All_xikaaya@hotmail.com




Aweys A. Abukar
All_xikaaya@hotmail.com

Aweys A. Abukar
All_xikaaya@hotmail.com

 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH