Warbixin
dhinacyo badan taabanayso, oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee
ay ku sugantahay degmada Jamaame.
February 9/2008 JiNW(Jiinwbi News)Jamaame
Sida uu ku soo warbixiyey wariye
Nasteex Daahir ee u shaqeeyo idaacadda BBC-da, ka gadaal markii
uu booqday degmada Jamaame iyo tuuluuyinka ka tirsan degmadaasi
Jamaame ee gobolka Jubbada hoose, ayaa waxuu kawaramay guud ahaan
xaaladaha halkaasi ka ka jira, hadii ay noqon lahayd xagga ammaanka,
nolosha, ganacsiga, beeraha, iyo xagga waxbarashada.
Ammaanka degmada Jamaama:
Wariyaha waxuu sheegay; In magaalada Jammaame aysan ka jirin maamul
iyo amni dowladeed, hase yeeshee, ammaanka degmadaasi Jamaama
ka jira inuu yahay midka ugu wanaagsan guud ahaan gobolka Jubbada
Hoose, islarkaana ah Ammaan uu qof walibo oo muwaadiin Somali
ah, oo aan dhibaato wadan iyo hayadkasto oo caalami ama local
ah ay isku soo halayn karaan, waxuuna wariyaha sheegay; inay ammaankaasi
wanaagsan ee ka jira degmadaasi Jammaame, ay suurta geliyeen odayaasha
iyo waxgaradka ku dhaqan magaaladaasi Jamaame, oo isku tagay iskuna
tashatay islamarkaana isku taxaluujiyey sidii ay u wanaajini lahaayeen
amaanka degmadooda Jamaama.
Magalaada Jamaame markaad dhex
mareysid kuma arkeysid maleeshiyo beeleed oo magaalada isbaaro
u taal, ama qoryo ku dhexwata magaalada gudaheeda, maleeshiyada
oo dhan ayaa laga saaray magaalada gudaheeda, waxaana laysku geeyey,
meel ka baxsan magaalada, go’aankaasina waxaa gaaray waxgaradka
iyo odayaasha degmadaasi Jamaame.
Sugidda Ammaanka degnadaasi Jamaama,
ayaa waxay suurtagal kadhigtay, in hay’ado samafal fara
badan ay magaaladaasi ku suu aruuraan, Garoonka dayaaradaha degmada
Jamaame, ayaa maalinkasya mashquul ah, iyadoo dayaaradah si dhib
la’aan ah ay howlahooda duulimaadka uga soconayaan.
Nolosha waa iska caadi:
Nolosha degmadaasi Jamaama waa iska caadigeedi, dadka ku dhaqan
degmadaasi Jamaame, noloshooda waxay weligeedba ku xirneed xagga
beeraha iyo xoolaha, hatana nolosha dadkaasi waxay ku xirantahay
labadaasi, beeraha iyo xoolaha, wax isbedel ah ma jiraan
Ganacsiga:
Ganacsiga degmada Jamaama sidaasi uma sii buurno, magaalada ma
laha dukaamo waaweyn, oo sida carwooyinka oo kale ah, laakiin
waa jiraan ganasi yaryar, waxaana badeecadaha laga ganacsado la
keenaa magaalada dekadda weyn leh ee Kismayo.
Beeraha:
Waryiha waxuu sheegay, inuu suu buuqday magaalada Kamsuuma, Makalaanko,
Manamoofo, Mugaanbo ilaa iyo tuulada Kawan, oo dhamaantood ka
tirsan degmadaasi Jamaame, dhulkaasi uu soo booqday wariye Nasteex,
oo dhamaantuud ah lafdhabarka degmadaasi Jamaame, marka laga hadlayoxagga
wax soosaarka beeraha, ayaa sheegay, inuu cambihii si fiican u
dhallay, dadkun ay ku mashquulsan yihiin guridda iyo iib-geynta
geed miroodka, sida cambaha, liin dhanaanta, liinta limo-Ungunji-da
(Banbeelmada)naarjiinka, mooska, seytuunka iyo mira kale oo fara
badan.
Wariye Nasteex, mar uu ka hadlayey,
fatahaadda webiga Jubba, ayaa sheegay, in ay caadi iska tahay
fatahaada webiga jubba, marmarna uu qasaarooyin ba’ani u
geeysto dadka beeraleyda ah, hase yeeshee, marmana in laga faa’iddo
fatahaadaasi webigo, oo markii dhulka uu webiga ku fatahay biyaha
ka guraan in dadka ay dalagyo ku abuurtaan xilli uu roob jirin
ka faa’ideystaan.
Wariyaha waxuu sheegay, inay jiraan
hay’ado caalami ah iyo kuwa local ah, oo caawiya dadka beeralayda
ah marka uu webiga ku soo fataho ka caawiya sidii loo xeri lahaa
meesha uu webiga ka fatahaya.
Xagga Waxbarashada;
Dhibaatada uga weyn ee degmadaasi Jamaama ka jirta waa dhanka
waxbarashada, waxgaradka degmadaasi, ayaa waxay ka cawdeen in
ay dhibaato xoog leh ka hasato caruurtooda xagga waxbarashada,
ma jiraan dugsiyo ay caruurtooda ku sii wataan xagga waxbarashada,
waxaa demadaasi ka jira oo kaliya dusiyada hoose, oo lafooda aan
sidaasi u sii badneen, caruurta markay dhameystaan dugsiyada hoose,
ma jirto dugsiyo dhexe iyo kuwa sare, Jaamicad warkeedaba daa,
weligeed laguma dhisin.
Curuurta waalidkood awooda, waxay
u diraan magaalada Kismaayo halkaas oo leh dugsiyo dhexe iyo sare
ilaa Jaamicad, caruurta aan waalidkood awoodin, markey dugsi hoose
dhameeyaan, waxaa aadaan ama beeraha ama webiga oo ay malayga
ka soo gurtaan.
Isku soo wada duub, degmadaasi
Jamaama ayaa noqotay degmada kaliya ee degaankaasi jubbooyinka
ee amaankeeda laysku haleenkaro, taas oo amaanteeda iska leh waxgaradka
iyo odayaasha degmadaasi Jamaama oo markoodii horeba ahaa dad
nabadeed, haatana xiligan adage e lagu jiro suurta geliyey inay
degmadaasi noqoto sidaa lagu ogaa jire degmo nabdoon
Ibrahim Maxamed cabdi (Irahim
Akuja)
jiimo2001@yahoo.com
www.jiimonet.com