Mudane
Jabriil Cabdi Sheegow oo ah Xubin ka tirsan Gudoonka Beelaha jareer
Weyne ee Gobolada Jubbooyinka ayaa wareysi gaar ah siiyay shabakada
(jiinwabi)
www.jiinwabi.com news
5/5/2008 Mogadishu.

Mudane Jabriil Cabdi Sheegow ayey
u suuro gashay in uu booqasho ku yimaada xarunta warqabadka ee
shabakada warbaahinta www.jiinwabi.com ee xaruuntiisa magaalada
Muqdisho, wuxuuna halkaasi ku siiyay wareysi gaar ah oo dhinacyo
badan taabanaya gaar ahaan beelaha Jubbooyinka iyo kawa ka soo
jeeda beelaha jareerweyne ee ku sugan gobolada jubooyinka, wereysigaana
waxa uu u dhacay sidaan.
JIINWABI:- Maxaad
u qaabilsantahay beelaha jareerweyne iyo kuwa dagan Jubbooyinka
? maxaa war ah oo ka heysaa qaab nololeedka dadka degen jubbooyinka
gaar ahaan beelaha jareerweyne ee ku sugan gobolada jubbooyinka
Soomaaliya?
Mudane jabriil:-
marka hore waxaa soo dhaweynaya ama raali ka ahay in aan wareysi
siiyo shabakada jiinwabi oo aan doodoonaayey mudo, inay i wareysato
balse maanta ayey iisuuro gashay, hadii aan su'aalahaada jawaabtooda
wax ka iraahdo aniga waxaan ku dhashay Kumsuuma beelaha jareer
weyne waxaa u ahay aqoonyahan siyaasi ah oo ku soo dhex jiray
mudo badan xaalad kasta oo ay soo martaba, hadana waxaan kamid
ahay gudoonka sare ee beelaha jareer weyne ee jubbooyinka Soomaaliya.
su'aasha labaad oo ah war ka heynta
dadkeyga waa mida aniga halkaan i keenta oo aan rabay in aan gaarsiiyo
Caalamka iyo dadkeega dibada ku nool, dadka jubbooyinka waa ay
dhibaateysan yihiin waana dad danyar oo garabrarato beeraley ah
gaar ahaan beehala jareer weyne isku xirka dadkana aad ayuu u
yar yahay, Tusaale ahaan dadka Baadiyaha jooga waxay wax u soo
sheegtaa dadka magaalada jooga, dadka magaalada joogana waxay
rabaa in ay wax u sheegaan dadka dibada jooga taasina wey suuro
galin weydan oo dadkeena Baadiyaha jooga war kooda waxa uu ku
baaba'aan Magaaladda dadka jooga oo aan wax u qaban karin.
JIINWABI:- mudane
Jabriil dhibaatooyinkan ku soo kurdhay dalka Soomaaliya taasi
oo taabatay cid walba ee ku sugan caasimada, hadaba ogaanshahaada
maxaa soo gaaray dadka Jubbooyinka gaar ahaan Beelaha Jareerweyne?
Mudane jabriil:- dhibaatooyinka heysta Soomaaliya
waa mid rabaan ah oo ilaah xagiisa nooga yimid, dadka jareer weyne
ee ka soo jeeda jubbooyinka badankooda waa ay iska tageen Caasimada
Muqdisho, waxay na ku laabteen Beerahooda,Tuuliooyinkooda iyo
degmooyinkooda, tiro yar ayaa jira oo ku sugan Muqdisho gaar ahaan
xerooyinka qaxootiga ee Xaabo Cabdi iyo nawaxiga Afgooye, dhibaatooyinkoodana
halkaan laguma soo koobi karo.
JIINWABI:- mudane
Jabriil waxaa la sheegayaa in uu dhawaanahan dagaal beeleed uu
dhex maray Beelaha Jareerweyne iyo Biimaal maxaad inooga Sheegi
kartaa Qasaaroonyinka halkaasi ka dhashay sida ay u saameyeen
Gobolada Jubbooyinka?
Mudane jabriil:-
taasi waxa ay ahedy arin mucjiso ah oo dhacday 27march 2008 ayaa
dagaal lagu soo qaaday Tuulada Balad Amin oo dhinaca Bari ka saaran
Wabiga Juba ee deegaanka Kumsuuma, weerar burcad nimo ahna ku
soo qaadeey Beelaha Biimaal oo Xoolo daaqsiimo u joogan nawaaxiga
tuulooyinka ku teedsan Kumsuuma, "Tuulada Balad Amin ayaa
xiligaasi aheyd mid aysna dadka badan kooda aysan joogin oo ay
ku maqnaayeen Beerahoodan iyo Howlmaalmeedkooda, burcad beeleedka
Biimaal ayaa geestay qasaaro dhimasho hal Qof ah iyo biliqo maaliyadeed
oo ay ku rarteen keedkii tuulada Balad Amin sida Badarka, Sisinta
Lacag iyo Dahab oo ay ka furteen Haweenka Qaar IWM".
Arrinta dhiilada leh ayey u cuntami
weysay dhalinyarada Tuulooyinka ku xeeran Balad Amin iyo kuwa
tuulada Balad Amin oo isbiirsaday ayaa qaaday weeray aargoosi
ah oo ay xaqooda ku soo ceshanayaan ayaga oo aad u foojigan oo
Alahooda kaashanaya ayey weerareen fariisimihii ay daganaayeen
Biimaalka dulmiyay oo ku aadana Tuulooyinka Burgaan iyo Buulo
Muuse ee deegaanka Kumsuuma ayey Afarta gees ka xireen oo ay is
hor taageen burcadii Biimaal si ay ugu soo ceshdaan maalkooda
ayna ugu soo aaraan walaalkoodii labo maalin ka hore ay dileen.
Dhalinyarada Beelaha Jareerweyne ayaa halkaasi ku dilay ilaa 3
ruux oo burcadii ah waxayna hanti ahaan u soo shabsadeen Xoolo
Lo' ah oo gaaraya tiro ilaa 350 neef iyo hal gaari TOYOYA Xaajiyo
Qamsiin ah.....
JIINWABI:- miyeey
soo ceshadeen hantidoodii ay la haayeen kadib weerarkii jawaab
celinta ahaa oo ay qaadeen dhalinyarada beelaha jareerweyne ?
Mudane jabriil:-
maya ma aysan soo helin hantidii ay lahaayeen waxaana la sheegay
in ay Burcadii reer Biimaal ay suuqa geesteen oo ay iibiyeen,
balse ay u heystaa xoolaha nool in loogu soo badalo hantidoodii.
JIINWABI:- Wax
waan waan ah ma jirtaa oo halkaasi ka bilaabee Ogdayaasha wax
garadka ah iyo deegaan dadka ku dhaqan oo aan aheyn dhinacyada
is haya oo soo kala dhex galay ?
Mudane jabriil:-
Haa taasi waa ay jirtaa oo waxaa durbadii ba oo kacay oo is celin
waayay beelaha kale ee Jaleecda ah sida Odayaasha beesha Sade
, Kablalax iyo HabarGidirtii halkaasi daganeed mudo kadib markii
ay arkeey midnimada Beelaha Jareerweyne iyo sida ay uga go’an
tahay in ay la dagaalamaan ciddii ku soo xad gudubto in ay iska
dhiciyaan ayaa keentay in ay dhex galaan odayaashaasi, ayaga oo
raba in ay ka celiyaan xoolaha nool ee gorgortanka ku jiray oo
ay soo qabsadeen dhalinyarada jareerweyne, taasina waa ay u socon
weydan oo waxaa ka diiday dagaal yahanadii jareerweyne.
Arinta dagaalada halkaasi ka dhacay
waxa ay marayaa is gaad gaad iyo kala shaki beelaha jareerweyne
iyo kuwa kale ee Xoolo dhaqatada ah ee ku sugan Jubbooyinka gaar
ahaan Tuulooyinka ku xeeran Kumsuuma ee gobolka Jubbada Hoose
Soomaaliya.
Abdirashid
Abdullahi Haydar
xeydar1@hotmail.com
www.jiinwabi.com
Mogadishu-Somalia.