Jaaliyada
Beelaha Jareerweyne ee ku nool magaaladda Nairobi ayaa ka warbixiyay
nolosha ay ku heystaan dalka Kenya (warbixin dhinac walba ka hadleysa)
April 14/2008 (JiinwabiNews)
mogadishu

Shacabka Soomaaliyeed
ayaa ah kuwa ugu tirada badan ee u haajiray ama qoxootinimo u
aaday dalka Kenya ka dib markii ay sii labo laabantay foowdadii
iyo dagaaladii sokeeye ee u dhaxeeyay Soomaalida, beryahan dambana
ay ku soo kordheen dagaalo caalami ah sida ciidmo Ajnabi ah ee
taageersan Dowlada federalaka Soomaaliya iyo kuwo diidan in ay
yimaadaan ciidamadaasi sheegtay nabad ilaalinta Soomaaliya AMISOM
iyo Ethiopian, taasi ayaa keentay in ay sii bataan dadka u sii
cararaya dalka Kenya.
Qaarka mid ah
dadyoowga Soomaaliyeed ayaa soo buux dhaafshay xerooyinka qaxootiga
iyo magaalada caasimada u ah Kenya ee Nairobi gaar ahaan xaafada
loo yaqaan in ay Soomaalida ku badan tahay Aslii ee geesta kaga
taal magaalada Nairobi Kenya.
Wariyaheena www.jiinwabi.com
ayaa booqasho shaqo ku tagay dalka Kenya todobaadkii hore waxa
uu wareysiyo kalo gadisay ka soo qaaday qaar ka mid ah Jaaliyada
Beelaha Jareerweyne ee ku nool dalkaasi Kenya kuwaas oo iskugu
jira aqoonyahano, dhalinyaro iyo Odayaal ka turgumaya danaha Beelaha
Jareerweyne iyo sida ay u maareeyaan nolosha ay ku heystaan dalka
Kenya.

Engineer Maxamed
Saney Maxamed oo ka tirsan Jaaliyada Beelaha jareerweyne ee ku
nool dalka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay xiligii uu soo gaaray
dalkan iyo sida ay ula tahay in loo hormarin karo dadka ka soo
jeeda Beelaha Jareerweyne waxa uu yiri
“aniga dalka Kenya waxaan soo gaaray 2006 waxaa na ku arkay
Ilbaxnimo kala gadisan oo aad uga duwan tii ayni ku joognay dalkeena
hooyo ee Soomaaliya, foowdada iyo waxbarasho la’aanta ay
ku jiraan dadkeena iyo ubadkeena mudadii 17 sano aheyd ayaa dib
u dhac weyn inoo ah balse hada arrinkaasi waxaa moodaa in aan
ka talaabnay oo aan ka hor marnay oo aynu heysono waxbarasho lacag
la’aan ah kuweena jooga xerooyinka qaxootiga iyo magaaladaba,
waxaan xusuusanayaa oo aan iloobi doonin dhibaatooyinka isdabayaal
ee wadanka Soomaaliya ka jira heystana dadkeena ku dhaqan Jiinka-wabiyada.”sidaas
waxaa yiri Maxamed Saney Maxamed.

Sidoo kale dhinaca
aqoonyahanada iyo dhalinyarada Beelaha Jareerweyne ee ku sugan
dalka Kenya ayaa u muuqata in ay ka hor marsan yihiin sidii ay
ahaan jireen markii ay ku sugnaayeen dalkooda hooyo ee Soomaaliya
kadib markii ay niyadoda ku hayaan sidii ay wax u tari lahaayeen
kuwa ku cadiban gudaha dalka Sooamaaliya gaara ahaan dhalin yarada
iyo aqoonyahana Beelaha Jareerweyne.


Aqoonyahan Suleymaan
Daahir Bocorey oo ay Aqoonyahana iyo dhalinyarada Soomaaliyeed
ee ku nool dalka Keyna u aqoonsadeen in uu yahay hurmuudka u ololeenta
dahana iyo xuquuqda ay leeyihiin jaaliyada beelaha jareerweyne
ee dalka keyna ayuu u hadlay webkan www.jiiniwabi.com waxa ku
bilaabay sidan “aniga halkaan waxaan joogaa mudo ilaa 7-8
sano u dhaxeyso Aqoonteyda iyo waxbarashadeyna halkan ayaa ku
dhamees tirtay, hadana waxaa xoghaye ka ahay hey’ad Nabadeed
oo caalami ah oo magaceeda loo yaqaano Universal Peace Federation
UPF for Somali xafiiskeeda dalka Kenya , horayna waxaa uga soo
shaqeeyay meelo kala gedisan gaar ahaan UN-ka. Waxaana niyada
ku hayaa in aan ugu faa’iideeyo dadkeyga goorwalba iyo meel
walba Inshaa Alaah”sidaa na waxaa yiri Dr Suleyman Daahi
Bocorey.

Dhalinyarada iyo
Aqoonyahadan jaaliyada beelaha Jareerweyne oo aan halka lagu soo
koobi Karin wax qabadkooda ayaa badan kooda ku howlan Ganacsiga
oo ay Soomaalida ku dhaqan Aslii caanka ku tahay kuwaas oo si
gaar ah u leh dukaamo iyo goobo ganacsi oo ah wax lagu farxo marka
aad is dul taagto meheradooda sida ay u kala wadaan howlo maalmeedkooda
dhinca ganacsiga ah.

Dhalinyadaran
ayaa waxay leeyahiin wada tashi iyo war iska heyn jooto ah sida
ay iigu warameen qaar ka mid ah sida ay inoo cadeyeen Dr Cumar
Ibraahim Maxamed, ganacsade Cusmaan C/llahi Xuseen iyo Abuukar
Xasan oo caan ka ah suuqweynaha Aslii ee jaaliyad Soomaaliyeed
ku naqan dalka Kenya.
Abdirashid
Abdullahi haydar
xeydar1@hotmail.com
www.jiinwabi.com
Mogadisho, Somalia