Gudoomiyaha dagmada afgooye Maxamed Cumar Muuday ayaa ka codsaday in ay sii labo-baabto waxqabadka jimciyada samafalka Al wafaa ay kawado gobolka Sh\hoose.

www.jiinwabi.com news 12/1/2008 Afgooye

Godoomiyaha dagmada afgooye mudane Maxamed Cumar Muuday ayaa shir jaraa'id qabtay xaruun uu ka daganyahay dagmada Afgooye oo 7 km u jirta dhanka waqooyi magaalada Afgooye oo lugu magacaabo Tuulada Buulalow , ayaa ka hadlay wax qabadka jimciyada Al wafaa ay kawado gobolka gaar ahaan dagmada afgooye in uu raali kayahay ayuu kusheegay gudoomiyaha shirkiisa jaraa'id.

Gudoomiye Muudey ayaa gacmo furan ku soo dhaweeyay dhamaan marti sharaftii ka socotay maamulkiisa iyo jimciyada samafalka ee alwafaa, kadib waxuu u mahad celiyay Alwafaa kaalinta doorka leh oo ay ka qaadatay horumarinta deegaanka Afgooye iyo waxtar muga leh oo ay la garab taagantahay G/Sh.hoose gaar ahaan tuulooyinka ku xeeran degmada Afgooye.

Gudoomiye Maxamed Cumar Muudey ayaa sheegay “jimciyada Alwafaa waxaan ka codsanayaa in ay sii laba laabton dadaalka iyo howlaha samafalka ay u wadaan umada Soomaaliyeed, waxaana xusayaa dowlada Kuwait in ay tahay walaal jecel dadka reer Afgooye; degmada Afgooyane ay ka mid yahay degmoyinka ka tirsan dalka Kuwait”sidaana waxaa yiri mudane Muudey.

 

Gudoomiyaha ayaa ka sheekeyay xaalada degmada Afgooye iyo horumarka ay ku talaabsatay mudada loo magacaabay xilka mas’uuliyadan culus, sidoo kale jimciyada Alwafaa ayuu ku gudoonsiiya warqad ansixin ah oo ay ku fulin karaan waxii mashruuc ah oo la xariira dhinaca horumarinta iyo samofalka ay kawado degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose.

Gudoomiye Muudey ayaa ka codsaday dhamaan shacab iyo dadka u dhashay Afgooye meelkasta oo ay joogan in ay u soo jeestaan dhismaha dalkooda hooyo, waxuuna ka hadlay xaalada taagan ee dhibta ku heyso shacabka isaga talaabaya Buundadii hore ee Buundo yarey Ceel Qode.

Buundadani ayaa waxay halboowle u tahay maritaanka baabuurta iyo dadka hadana kama muuqato wax dayactir ah weyna daxaleysatay gawi ahaanteeda, in ka badan intii uu dalka burburka ku jiray habo yaraatee wax laga qabtay majiraan Buundadaasi oo hadii aad aragto ama aad marto waad ka nixi laheyd hadii ay qiiro Soomaalinimo ku heyso, taasina taageero yarida shacabka soomaaliyeed haysata iyo dowlada la’aantan soo dilootay mudada ka badan 16sano ayey ku ahaatay waloo hada ay jirto dowlad iyo maamul degmo oo ay kamid yihiin maamulka degmada Afgooye oo hada Codsaday in samofal dayactir laga siiyo dhismaha Buundadan CeelQode.


Abdirashid Abdullahi haydar

xeydar1@hotmail.com

www.jiinwabi.com

Afgooye-Somalia.

 

 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH