Dagaal ba’an oo shallay tuulada Kumbarera, ee ka tirsan
degmada Jilib/gosha ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed.
January 8/2008 (Jiinwabi.com News)
Jilib/Gosha
Dagaal ba’an oo shallay
tuulada Kumbarera, ee ka tirsan degmada Jilib/Gosha ku dhexmaray
laba maleeshiyo beeleed, oo ka kala tirsan beesha Jareerweyne,
iyo maleeshiyo isku dhaf ah oo kakooban Jileec iyo Jareer.
Dagaalkaasi oo labada ninacba
ay adeegsanayeen, qoryo gacmeedyo iyo fallaaro, ayaa la sheegayaa
inuu ku dhintay hal ruux, saddax ruuxna ay ku dhaawacmeen, iyadoo
dadka dhaawac soo gaaray haatan lagu daaweynayo isbitaalka Mareerey
ee degmada Jilib
Qaar ka tirsan mas’uuliyiinta
Hogganka Beelaha Jareerweyne, ee degmadaasi Jilib oo aan qadka
telefonka kula xiriirnay, ayaa noo sheegay, inuu dagaalkan dhacay,
kadib, markii maleeshiyo isugu jira Jileec iyo Jareer ay ka soo
duuleen magaalada Jilib, kuna soo duuleen Bar ciidan oo ay leeyihii
beelaha Jareerweyne, oo ku taal tuulada Kumbarera, oo 15 kiilo
mitir u jirta magaalada Jilib.
Odayaasha Jareerwyne ayaa waxay
sheegeen: in maleeshiyada soo duushay, ay ku socdeen qorshe, laga
soo baaraan degay, looguna talagalay, in lagu tirtiro ama lagu
baabi’iyo Bartaasi Ciidan oo ay leeyihiin beesha Jareerweyne,
hase yeeshee, bay yiraahdeen odayaashu, way u suurtoobi wayday
riyadoodi, meesha ay ka soo duuleen ayaana dib loogu celiyey,
waa sida odayaasha ay sheegeen.
Odayaasha oo ka jawaabayey, su’aal
aheyd, Maxaa maleeshiyada Jareerta ah ku biiriyey maleeshiyada
Jileeca? Waxay odayaasha ku jawaabeen: Maleeshiyada Jareerta ah
oo la safnaa maleeshiyada Jileeca ahaa, waxay ahaayeen dhallinyaro
aad u tiro yar oo uu duufsaday nin lagu magacaabo Maadey Cusmaan
Kasamila oo u dhashay beesha Jareerweyne, hase yeeshee, hunguri
dartiis u sheegtay qabiil ka mid ah qabaa’ilka Jileeca,
sidaasi darteedna, Gudoomiye ku xigeenka degmada Jilib ay ku magacaawdeen
qolo is laheysiisay maamulka degmada Jilib, maamulkaasoo beesha
Jareerweyne aysan aqoonsaneen, Waxayna odayaasha intaasi ku darayaan
inuu Maadey Cusmaan Kasamila uu magaalada Jilib ka soo kaxeystay
maleeshiyadan Jileeca u badan, si loo baabi'io xoogagga Jareerta
ah oo ay sameysteen dadka deegaankasi u dhashay oo Jareerta ah.
Dagaalka oo haatan istaagay, kadib
markii qolada soo duushay ay ku fashilmeen ujeedadooda, ayaa waxaa
haatan la hadal hayaa, in odayaasha labada dhinac ay fariistaan
kana arinsadaan, dhibaatan dhacday iyo cidda bilaawday, iyo in
aysan dhibaato noocan oo kale ah aysan dib u dhicin.
Waa markii ugu horeeysay muddo
15 sanna ah, beelaha deegaankaasi dagaal noocaan oo kale ah uu
dhexmaro.
Odayaasha beelaha Jareerweyne
ee degaankaaso Gosha, ayaa waxay sheegeen, muddadii lixda bilood
ee maxaakiimta, wixii ka horeeyey, in beesha Jareerweyne ay deegaanka
Gosha ku laheyd ilaa lix Bar ciidamo hubaysan, oo burcadda iyo
beelaha wax daandaansaday ka ilaalisa
Ibrahim
Maxamed cabdi (Ibrahim Akuja)
www.jiinwabi.com
jiimo2001@yahoo.com