WALAALKA MUSLIMKA AHOW MAXAAD U QABAN KARTAA GABADHAN SOMALIYEED EE LA XANUUNSANEYSA DHAAWACA ISHA KAGA YAAL ?

February 12/2008 JiNW(Jiinwbi News) Mogadishu
Dhibaatada iyo waxyeelada dagaalada ka socda Muqdisho ayaa shacabka ku reebey dhaawacyo kala gadisan.

Fartuun C/laahi Cali oo 16 jir ah ayaa waxay la daalaan dhaceysaa xanuun haya oo ah dhaawac ka soo gaaray dagaaladii ka socday magaalada Muqdisho.

Fartuun waxaa dhaawacay Xabado la is dhaafsanayey ayaa uga dhacday Isha Midig waxayna ku jirtaa isha Bixdix dusheda sidaa awgeed wax kama aragto labada Indhoodba, dareenkii Urkana wuu ka lumay, waxaana mar-mar qabta xanuun daran oo neerfaha madaxa ah.

Dhaqaatiirta muqdishana waxay caddeeyeen in ayna xabbada ka saari Karin oo ay san waxba ka qaban Karin, ehelkeeda waa Hooyo iyo Aabe aan wax ba ka qabankarin oo ay ka liitaan dhinaca dhaqaalaha taasi waxaa u sii dheer waa qaxooti ka soo barro kacay xaafadahoodii muqdisho xiligii ay gabadha ka dhaawac meysay.

Fadlan Ilaahay dartiisa u soo caawin Fartuun C/laahi Cali iyo eheladeeda ee Kala soo xariir goobta ay ku noolyihiin oo ah

Xerada Qaxootiga Jaamacadda Beeraha Afgooye ( Kaamka Camp Qoslaaye)
Number Telfoonadan oo ay sitaan
1. Hooyadeeda Xalwa Mire Cali c/o tel 002521-5855314
2. walaalkeeda Isaaq C/laahi Cali 002521-5562575 or 002521-285257
3. Abtigeeda Axmed C/qaadir Xusen 002521-5585070

Abdirashid Abdullahi haydar
www.jiinwabi.com
Tel:-+25215507763
E-mail:- xeydar1@hotmail.com
/ / :- rashiid.xaydar@gmail.com
Mogadishu-Somalia.

 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH