Jaaliyada beelaha jareerweyne ee ku dhaqan dalka Denmark ayaa Hambalyo iyo mahadnaq u soo diray shabakadaha www.Jiinwabi.com.iyo www.jiimonet.com.

www.jiinwabi.com news 17/1/2008 mogadishu

Dhamaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan caalamka gaar ahaan Jaaliyada Beelaha Jareerweyne ee haatan ku nool dalka Denmark ayaa u soo diray tahniyad iyo hamadnaq ku aadan wax qabadka muga leh ee dhanka isku xirka iyo iska warqabka ay wadaan shabakadaha www.jiimonet iyo www.jiinwabi.com.

Jaaliyada beelaha jareerweyne ee dalka Denmark ayaa ka soo mahadcelisay sanadkan tagan ee 2007 wax qabadkii iyo wararkii aan kala go’a laheyn ay soo tabinayeen shabakadahan caanka ku ah in aywax ka qoran beelaha jareerweyne taasina waxay quluubtooda ku reebtay farxad iyo kalsooni dhamaan aqristayaasha bogagani, waxayna sanadkani 2008 ay ka filayaan wax qabad labo-laaban oo ay ku soo jiidanayaan aqritayaashooda.

Jaaliyada Denmark ee jareerweyne ayaa tahniyadda u soo mariyay qadka telfonka iyo Emailo oo ay ku sharxayaan qaabka ay lasoconayeen iyo booqashada Homepages-ka ee jiimonet iyo jiinwabi.com, waxana sheegeen in ay raali ka yihiin ayna la garabtaagan yihiin taageero dhanwalba ah.

Aweys A. Abuukar oo kamid ah aqoonyahanada jaaliyada beelaha jareerweyne ee dalka Denmark oo qadka telfonka kula soo xariiray Web-mister www.jiinwabi.com ahna wakiilka Somaliya www.jiimonet.com mudane C/rashiid C/laahi Xeydar ayuu ku yiri “hadii aynu nahay dadka u dhashay beelaha jareerweyne waxna u bartay ilaa iyo heer jaamacadeed waxan doneynaa horumarka dalkeena gaar ahaan beelaha jareerweyne in wax u qabano mustaqbalka iyo haatanba shabakadan jiinwabi ee cusub waxay noqondoontaa meesha ay wax u marsiindoono dadkeena ku tabaaleysan dalka Soomaliya.”sidaana waxaa yiri Aweys A.Abuukar.

Jaaliyada jareerweyne Denmark oo warbixintooda sii wata ayaa ka sheekeyay midnimada ay ku dagan yihiin dalka Denmarka waxuuna sheegay in ay iska war qabaan dhamaantooda, jaaliyada beelaha jareerweyne ee denmark waxaa ugu weyn oo horkaca siyaasiga caanka ah ee Maxamed Xarakoow Maxamed, oo ka mid ahaan jiri XHKS ee xukuumadii siyaad bare, xaafadiisuna ay tahay bar ay ku arinsadaan ka jaaliyad jareerweyne ahaan ee dalka Denmark.

Hadaba shabakadaha jiimonet iyo jiinwabi ayaa ku soo dhaweeyay jaaliyadaha beelaha jareerweyne in ay ku soo gudbim karaan figradahooda saliimka ah.

Abdirashid Abdullahi haydar

xeydar1@hotmail.com

www.jiimonet.com

Mogadishu-Somalia.

 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH