Maxamed Cumar Dalxa, ayaa ku guulaystay doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya kadib markii uu wareegii sadexaad ee doorashada uu kaga guulaystay Maxamed Xaashi Gaani.


Maxamed Cumar Dalxa oo laga rabay 139 cod, ayaa ku guulaystay wareega 3-aad markii uu helo 160 cod, Maxamed Xaashi Gaani uu ka helay 96, iyadoo ay codeeyeen 256 xildhibaan.
Maxamed Xaashi Gaani, ayaa u hambalyeeyay guddoomiye ku xigeenka cusub, isagoo isla markaana u mahadceliyay xildhibaanada doortay iyo kuwa aan dooranba.


Guddoomiye ku xigeennimada baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah, ayaa isla caawaba loo dhaariyay Prof Maxamed Cumar Dalxa. 21 Sebtembar, 2004, 21:46 GMT; 00:46 SGA
Wareegii labaad Guddoomiye ku xigeenka 1-aad
Maxamed Cumar Dalxa iyo iyo Maxamed Xaashi Gaani, ayaa isugu soo haray wareega sadexaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka federaalka ku meelgaarka.


Maxamed Cumar Dalxa, ayaa wareegga labaad ku hogaaminayay 87 cod, iyadoo Maxamed Xaashi Gaani oo ku soo xigay uu helay 68 cod, waxaa wareega labaad ku haray Axmed Dhimbil Rooble iyo C/laahi Maxamed Macalin Faax oo 64 iyo 55 kala helay siday u kala horeeyaan.


Maxamed Cumar Dalxa iyo Maxamed Xaashi Gaani, ayaa kii labadooda hela 139 cod iyo ka badan, waxaa uu noqonayaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.


Wareegga 1-aad guddoomiye ku xigeenka 1-aad

Maxamed Cumar Dalxa, ayaa hal cod ku hogaaminayay oo uu ka horeeyay musharaxa ugu soo dhow doorashada guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya


Taariikh nololeedka Guddoomiye ku xigeenka

Professor Maxamed Cumar Dalxa, waxaa uu ku dhashay degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeelaha Hoose sanadkii 1954-tii.


Waxaa uu dugsi Qur'aanka dhameeyay 1963-dii, markaasi oo uu sanad kadib bilaabay waxbarashada dugsiga hoose kadibna tan dhexe oo uu ku qaatay iskuul ku yaalla degmada Wanlwayn, taasoo uu dhameeyay sanadkii 1972-dii.


Maxamed Cumar Dalxa, wuxuu waxbarashadiisa dugsiga sare ku qaatay magaalada Muqdisho, waxaana uu dhameeyay sanadkii 1978-dii, iyadoo isla magaalada Muqdisho uu ka galay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Kuliyadeeda luqadaha, oo uu ka qalinjabiyay sanadkii 1982-dii.


Prof Dalxa, waxaa uu qaatay waxbarasho tacliinta sare ah sanadihii 1987 ilaa 1989, iyadoo Machadka caalamiga ah ee luqadaha ee Khartoum, Sudan uu ka qaatay shahaadooyinka Diploma sare iyo Master of Arts.


Howlaha uu soo qabtay


Dalxa, waxaa uu soo qabtay xilal kala duwan, oo ay ka mid ahayd Maareeyaha Maamulka iyo Maaliyadda ee mashruucii Damanyo iyo Balidogle sanadihii 1974 ilaa 1984-tii.


1985 ilaa 1987, waxaa uu kaaliye macalin jaamacadeed ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo 1986 ilaa 1987 uu qayb waqtigiisa ka mid ah macalin ka ahaa Kuliyadda saxaafadda.
1989 ilaa 1991-dii, waxaa uu macalin buuxa ka noqday Kuliyadda luqadaha, waxaa uu isla waqtigaasi macalin ka ahaa mac-hadka ALESCO ee Bariga Africa oo ku yaalay magaalada Muqdisho.


Xilalka siyaasadeed
Dhinaca siyaasadda, Prof Dalxa, waxaa uu xubin ka ahaa aasaasayaashii ururkii SAMO (Somali African Muki Organization), waxaana uu sanadkii 1994-tii noqday Xoghayaha guud ee ururka SAMO/SNA.
Sanadihii 2001 ilaa 2003, waxaa uu ahaa xoghayaha guud ee isbahaysiga SRRC.


Maxamed Cumar Dalxa, howlaha uu qabtay waxaa ka mid ah qoraal uu ka sameeyay dhaqanka Soomaaliya, samafalka bulshada iyo uruurinta suugaanta beeraha.


Waxaa uu cilmi-baaris iyo qoraalaba ka sameeyay Dabshidka oo ah caado dhaqameed ka dhexjirta Soomaalida, Doorka ay aflaanta carabtu ka qaataan faafinta luqadda carabiga ee Soomaaliya gudaheeda, xiriirka ka dhexeeya suugaanta Soomaalida iyo tan Carabta.


Prof Dalxa, waxaa uu ku hadlaa luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska, waxaana uu leeyahay xaas iyo caruur.

Abdirashid Abdullahi Haydar
xeydar1@hotmail.com
www.jiinwabi.com


 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH