Prof.
Maxamed Cumar Dhalxa oo ah Guddoomiye ku-xigeenka 1-waad ee Baarlamaanka
Soomaaliya oo ka hadlay xasuuqii ka dhacay Muqdisho
April 24/2008 JNN(JiimoNet News)
Baydhabo
Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ah
Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa
sheegay in uu aad uga xun yahay dhibaatooyinka heysta Shacabka
Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Prof. Dalxa waxa uu sheegay in
iyagu ka Baarlamaan ahaan ay ka xun yihiin dhibaatada soo gaartay
shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in Baarlamaanka Soomaaliya
ay ka xun yihiin in muwaadin Soomaaliyeed uu u geeriyoodo si sharci
darro ah.
Waxa uu Dalxa oo ka hadlayay dhibaatadii
ka dhacday masjidka Al-Hidaaya ee xaafadda Waxarcadde ee degmada
Huriwaa ayaa waxa uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ka xun
yahay dhibaatada ka dhacday Masjidkaas, wuxuuna xusay in sinaba
aysan raali uga ahayn in qof Soomaaliyeed Sheekh ama qof kaleba
ha ahaadee dil sharcidarro ah loo geysto.
Hadalka Prof. Dalxa ayaa ku soo beegmaya
xilli Afhayeenka kooxda Al Shabaab Sheekh Muqtaar Rooboow (Abuu
Mansuur) uu ku eedeeyay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay raali
ka yihiin dhibaatada loo geystay shacabka Soomaaliyeed ayna ku
raaxaysanayaan magaalada Baydhabo
Ibrahim Maxamed
Cabdi (Ibrahim Akuja)
jiimo2001@yahoo.com
www.jiimonet.com