Xildhibaanada beelaha jareerweyne ayaa xaqiraad ku tilmaamay magacaawista golaha wasiirada cusub ee DFKMG.

www.jiinwabi.com news 5/1/2008 Baydhabo

Xildhibaan Cali Cusman Jidow oo kamid xildhibaanada Beelaha Jareerweyne ayaa maanta ka hadlay kulanka baarlamaanka ee ay iskugu yimaadeen in looga hadlo awood qeybsiga ayuu ku soo bandhigay xaqiraada loo geestay beeshiisa ee Jareerweyne.

Xildhinbaan Cali Cusmaan Jidow ayaa ka codsaday xubnaha golaha Baarlanmaanka in ay garab ku siiyaan marka baarlamaanka loo soo gudbiyo xubnaha golaha wasirada ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) in ay dib ugu celiyaan soo habeenta xukuumada.

Cabashadan xildhibaanada beelaha jareerweyne ayaa maanta ku soo aaday xili uu golaha baarlamaanaka ka shirayay doodaha ka yimaado awood qeybsiga ama power sharing-ka taasi ayaa waxa ay noqotay in uu xildhibaan cali cusmaan Jidow uu kaga faa’ideesto in uu soo jeediyo qudban ku aadan xaqiraado lagu hayo beelaha Jareerweyne.

Xildhibaan Cali jidow ayaa sharaxaad dheeri ka bixiyaya waxa ay ku dhaliilsan yihiin xukuumadan uu soo yagleelay Nuur Cadde iyo in ay beelaha jareer weyne ay yihiin lafdhabarka wax soo saarka dalka soomaaliya dhan walba.

Xildhibaan Cali Cusmaan Jidow ayaa yiri “ dhamaan xubnaha golaha baarlamaanka ma xaqbaa in aad u sacabo tuntaan 18 wasiir oo aan ku jirin hal wasiir oo ka soo jeeda beelaha jareer weyne”, Sidaana waxaa yiri xildhibaan Cali jidow oo ku celcelinayay xaqiraada iyo ballan kabaxayada uu ku Sameeyay raiisul wasaare Nuur Cade.

Shirkii maanta ee golaha baarlamaanka ayaa dib loo dhigay markii ay badatay cawashada iyo eedenta xukuumada ay soo jeediyeen xubnaha baarlamaanka qaarkood.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).ayaa dhaariyay wasiirrada cusub oo gaaraya 12-wasiir oo ku sugan Baydhabo, iyo 5-ta wasiir ku xigeen ee xukuumadda cusub; iyadoo lagu wado in xubnaha dibadda ku maqan in looga yeero Baydhabo, dhaarta maanata ayaa ka dhacaday xarunta Madaxtooyada ee DFKMG magaalada Baydhabo.

Abdirashid Abdullahi haydar

xeydar1@hotmail.com

www.jiimonet.com

Mogadishu-Somalia.

 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH