Jamciyadda
samafalka Al-wafaa oo xaflad lagu furayay Ceel cusub oo ay dhistay
ku qabatay Tuulada Caanoole ee degmada Afgooye


Xaflad si heer sare ah loo soo
agaasimay ayay Jamciyadda samafalka Al-wafaa waxa ay maalintii
shalay ku qabatay tuulada Caanoole degmada Afgooye ee Gobolka
Shabeellaha Hoose oo laga furay ceel biyood ay ka cabi karaan
maalintii 16-kun qof iyo sidoo kale 1500 xoolo ah.
Xafladdaas oo ay ka soo qeyb galeen
waxgarad, isugu jira odayaal, culumaa’udiin, cuqaal, dhalinyaro
rag iyo haween ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha Tuulada
Caanoole nabaddoon C/llaahi Cali C/raxmaan oo mahad celin u jeediyey
Jamciyadda Samafalka Al-wafaa oo ceelka ka hirgelisay tuulada
Caanoole, wuxuuna sheegay in ceelkaasi ay ka cabi karaan dadka
iyo xoolaha ku dhaqan tuulooyinka Caanoole, Sabiib iyo kuwa kale
ee la deriska ah.
Sidoo kale waxaa xafladdaasi ka
hadlay Suldaan Xaaji Xuseen, Caaqil Oorow iyo xubno kale oo ka
mid ah odayaasha degaankaas.

Magaca Jamciyadda Al-wafaa ee
ceelka dhistay ayaa waxaa ku hadlay Xoghayaha Guud ee Jamciyaddaas
Sayid Cali Macalin Xuseen oo sheegay in Ceelka ay ka dhiseen degaanka
Caanoole ay ka faa’ideysan karaan 16-kun qof oo maalintii
ka cabi karta ceelka, iyo sidoo kale ilaa 1500 xoolo ah, isagoo
xusay in Barkadda ceelka ay qaadayso 60 fuusto oo u dhiganta 13Kun
oo Liitar, isla markaana ay leedahay Barkado biyaha loogu shubo
Xoolaha oo gaaraya 2 Barkadood. wuxuuna u mahad celiyey shaqsiyaadkii
bixiyey qarashka lagu dhisay ceelkaas oo kala ah C/raxmaan, Waliid
Manaaxis (Dhahru Rashd) iyo Axmed Qanaadhi oo lacagtii ay ku soo
yaboobeen soo marsiiyey hay’adaha kala ah hay’adda
nooleynta dhaqanka islaamka (Revival of Islamic heritage society)
iyo Guddiga Qaaradda Afirka (African Continent Committee) ee ka
dhisan dalka Kuwait.


Waxa kale oo uu sheegay in ceelkani
yahay mid matoor saran yahay, isla markaana uu yahay ceel Riig
ah oo noociisa oo kale aan laga qodin tuulooyinka Gobolka Sh/hoose,
isagoo xusay in biyihiisa ay macaan yihiin.
Xoghayaha Guud ee Jamciyaddaas
Sayid Cali Macalin Xuseen waxa uu shacabka ku dhaqan degaanka
Caanoole kula dardaarmay inay ku dedaalaan ceelkan, ayna ka manaafacaadsadaan,
kuna dedaalaan nadaafaddiisa iyo inuu noqdo ceel waara.

Xafladaas oo si heer sare ah u
dhacday, si nabad ahna ku soo gabagabowday ayaa waxaa ka qeyb
galay marti sharaf kala duwan oo ay ku jiraan xubnaha maamulka
Gobolka Shabeellaha Hoose iyo xubno ka socday DRC oo uu ka socday
Cabdi Cali Yoonis, KAHRO oo uu ka socday Inj. Aayoow, Dalladda
Waxbarashada Al-xikma oo uu ka socday Cumar Moorgan iyo marti
sharaf kale oo fara badan.

Dadka degan tuulooyinka Caanoole
iyo Sabiib oo horey biyaha Webiga u isticmaalayay ayay haatan
fursad dahabi ah u tahay ceelkan laga furay degaanka Caanoole
oo ah ceel aan wax lacag ah looga qaadaynin, biyihiisuna ay aad
u macaan yihiin, ayna ka faa’ideysan karaan tuulooyin badan
oo ku yaala nawaaxiga tuulada Caanoole oo horey biyaha webiga
u isticmaalayay.

Abdirashid Abdullahi
haydar
xeydar1@hotmail.com
www.jiinwabi.com
Afgooye-Somalia.