Beesha Jarer Weyne ee Koonfur
Afrika oo maanta caleemasaartay Suldaan

Xaflad balaaran oo lagu caleemo saarayey Suldqaanka beesha jareer
weyne ee ku dhaqan wadanka koonfur Afrika ayaa lagu qabtay xaafadda
Mayfair ee magaalada Johannesburg.
Xafladdan oo si weyn loo soo agaasimey
ayaa waxaa ka soo qeyb galay odayaal, wax garad, dhalinyaro, haween
iyo bulshada qeybaheeda kale. Waxaana xafladdan khudbad wax ku
ool ah kasoo jeediyey aqoon yahan Mohamed Cumar oo kamid ah aqoonyahanada
beesha jareer weeyne ee ku dhaqan Koonfur Afrika waxaana uu sheegay
in loo baahanyahay hogaan noocaan oo kale in ay yeelato beesha
jareer weeyne waxaana haboon in waxgaradka beesha jareer weyne
ay garab istaagaan suldaanka ayuu yiri aqoonyahanka.
Waxaana lagu caana shubay Suldaan
Ibraahim Maxamed Cali oo wakhtigaasi xirnaa dhar hidiha iyo dhaqanka
Soomaaliyeed gacanta midigana kusitay waran iyo gaashaan waana
markii ugu horeeysay oo beelaha Soomaaliyeed ee daga wadankan
ay ku caana shubaan suldaan inta la wada ogsoon yahay.
Waxaa sidoo kale mahad ballaaran
usoo jeediyay afhayeenka beesha Iftin Mohamed Abdulle dadkii kulankaasi
maanta ka soo qeyngalay oo iskugu jiray dad Soomaali ah South
African, Kenyan iyo Ugandese. Waxaana hadaladii sii kamid ahaa:
" Aad baan idin kaga mahad celineynaa kasoo qeybgal kiina
xafladan oo ah mid taariikhi ah waana Alle mahadii maanta hadii
beesha yeelatay suldaan waxaana si gaar ah aan ugu mahad celinayaa
warbaahinta Somaliweyn oo sintay soomalida oo dhan waan idiin
mahad celinayaa bahda Soomaliweyn."

Caana shubka Suldaanka beesha
jareer weyne ayaa waxaa aad u soo dhaweyey qabaa’ilada kala
duwan ee ay soomalidu ka kooban tahay ee ku nool wadan kani Koonfur
Afrika.



Abdirashid
Abdullahi Haydar
xeydar1@hotmail.com
www.jiinwabi.com
Mogadishu-Somalia.