Jamciyadda
samafalka Al-wafaa ayaa dayactir balaaran ku sameysan Buundada
Ceel-Qode degmada Afgooye ee gobolka Sh\hoose
www.jiinwabi.com news 24/5/2008 Afgooye

Jamciyadda samafalka Al-wafaa ayaa ku guuleysatay in ay dib u
dayactirto Buundadan halboowlaha u ah bertamaha degmada Afgooye
ee loo yaqaanay Buundo yareyda Ceel Qode, taasi oo ay dhib ku
heysay shacabka isaga talaabaya Buundadaasi mudo ilaa iyo burburkii
dalka soomaaliya oo aan helin wax dayactir ah, Alwaaf ayaa waxa
ay bilawday dayactirkeeda maalinta taarikhdu ahayd 11/4/2008 waxayna
soo gabagabeysay dayactirka guud ee Buundada Ceel-Qode 19/5//2008,
ayadoo ay hakat ku jirtay mudo gaaban uu dayactirka ku socday.

dhismaha dayactirka Buundada waxaa gacan weyn ka geestay hay’ado
caalami ah sida hay’ada nooleenta dhaqanka islaamka (Revival
of Islamic heritage society ) iyo gudiga qaaradda Afirka ee jamciyadda
Axyaa turaath islaami (African continent committee) Kuwaiti, dhaqaalaha
dhismaha dayactirka buundada ayaa loo soo mariyay Jimciyada al
wafaa si ay ugu dayactirto buundada shacabka deegaanka degmada
Afgooye.


Jamciyadda samafalka Al-wafaa marka ay soo gabogabeysa dayactirka
buundada ayey u sameysay xaflad balaaran oo dib loogu furayay
Buundada Ceel Qode waxaana ka soo qeyb galen mas’uuliyiin
faro badan uu hor kacayaa Gudoomiyaha dagmada afgooye Maxamed
Cumar Muuday, Nabadoonka Afgooye , Aqoonyahan Cali Xaashi garaare
iyo shacabka reer Afgooye, dhamaan waxay ka mahad celliyeen dayartirka
buundadan oo ku soo aaday xili aad loo gu baahi qabay iyo waliba
xili roobeed oo ay dadka degmada afgooye dhib wayn ku qabeen buundad
oo aad u baaba'sanayd maantana ay ku faraxsan yihiin quruxda iyo
bilicda ka muuqato dayactirka buundada ayna isticmaalayaan dadweynihii,
baabuurlaydii iyo gaarigacanlayda intaba waxay ka mahadceliyeen
dayactirka buundada lagu sameeyay.

Waxaana ka hadlay xaflada furitaanka
buudada Gudoomiyaha dagmada afgooye Maxamed Cumar Muuday, waxuuna
u mahadceliyay jamciyadda samafalka al-wafaa iyo lajnada qaaradda
africa jamciyadda axyaa al-turaath al-islaami oo iyaga xaqiijiyeen
fulinta mashruucan iyo u adeegista umadda Soomaaliyeed xaalad
kasta oo ay ku jirto “Jimciyada Al-wafaa waxaan leeyahay
waad fuliseen Codsiyadii iyo wax qabadkii ee hore u wada haka
daalina Degmada Afgooye waa dalkiina hooyo, inta gacanta idinku
siisayna iga gaarsiiya mahadcelin balaaran” sidaana waxaa
yiri Maxamed Cumar Muuday Gudoomiyaha dagmada afgooye ee gobolka
Shabeelaha Hoose.
xoghayaha guud ee jimciyada samafalka ee alwafaa Siid Cali Macalin
Xuseen ayaa ka hadlay u heelanaanta jimciyadiisa uu mas’uulka
yahay in ay bulshada Soomaaliyeed wax u qabato xili walba, waxuuna
u mahadceliyay Mas’uuliyiinta iyo Shacabka reer afgooye
oo gacan ku siiyay in ay jimciyada Alwafaa halkaani ka dayactirto
Buundadan.

sidoo kale waxaa mahadceliyay xubnaha maamulka degmada Afgooye
qaybahisa kala gedisan - aqoonyahanada - haweenka - dhalinyarada
- iyo duqowda degmada Afgooye; waxayna ku bilaaben socod iyo isku
marxabey gudaha Buundada ayaga oo ay wajiyadooda ka muuqato faxad
iyo soo dhaweyn furitaanka iyo dayactirka loogu sameeyay buundada
Ceel-Qode degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Abdirashid Abdullahi
Haydar
xeydar1@hotmail.com
www.jiinwabi.com