Prof Dhalxa oo sheegay in uu ka xun yahay tacadigii loo geystay qaar ka tirsan idaacadaha Muqdisho.


Baydhabo:- Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya Prof Maxamad Cumar Dhalxa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xiritaankii iyo tacadiyadii ciidamada dowladdu u geysteen qaar ka tirsan Idaacadaha madaxa bannaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

“Waxaanu nahay dad aad u jecel Saxaafadda, mas’uuliyiinta dowladda iyo Hay’adaha nabadgelyaduna waxa ay soo saareen nidaam wax looga qabanayo tacadiyada loo geysanayo Warbaahinta Madaxa bannaan, waxaana wanaagsan in Idaacaduhu dareemaan in ay yihiin kuwo dalka wax weyn u taraya ayna ka feejignaadaan wararka ka baxaya Idaacadaha, mar walbana nalagala shaqeeyaan kor u qaadida nabadda” ayuu yiri Prof. Dalxa oo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn tacadiga loo geysanayo dadka rayidka ah ha ahaado Ganacsade, Wariye ama qof iska caadi ah intaba.

“Wax badan ayaanu ka badali doonaa dhammaan dhaqanka ciidamada dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta dowladda ayaana ka tashanaya arrimahaas” ayuu yiri Prof Maxamad Cumar Dhalxa oo cudurdaar ka bixiyey tacadigii ciidamada dowladda Soomaaliya u geysteen Idaacadaha Muqdisho qaarkood iyo ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee dhaca loo geystay.


C/rashiid C/laahi Xeydar
Xeydar1@hotmail.com
www.jiinwabi.com
Muqdiho Somalia


 

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH