Masaajid
cusub oo ay dhistay Jimciyada samafalka Al wafaa ayaa maanta laga
furay Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose.
www.jiinwabi.com
news 11/1/2008 Afgooye
Masaajid cusub oo ay ku tukan
karaan tiro dad jameeco ah gaaraya 140 qofood oo ay hergalisay
dhismahiisa Jimciyada Samafalka ee Al wafaa ayaa maanta jimco
ah taariiqduna ku beegan tahay 11/1/2008 xariga looga jaray xaafada
Waanjeel-Buulo Cusub ee dhanka waqooyi degmada Afgooye.
Masaajidkan ayaa ku fadhiya dhul
cabirkiisu la egyahay 13x13 ayuu sadaqeystay dhulkaasi oo banaan
milkiile Sheekh Cumar Maxamed Ibraahim oo u dhashay deegaanka
Afgooye, waxaana dhimahiisa gacan ka geestay hay’ado caalami
ah sida hay’ada nooleenta dhaqanka islaamka (Revival of
Islamic heritage society ) iyo gudiga qaarada Afirka (African
continent committee) Kuwaiti, dhaqaalaha dhismaha Masaajidka waxaa
sadaqo jaariya ah ugu soo tabarucay qooska Abuusalxaan oo reer
Kuwaiti ah una soo marsiiyay Jimciyada al wafaa in ay ku dhisaan
masaajid deegaanka Afgooye.

Masaajidkani dhismahiisa waxaa
wehliya Ceel biyo macaan oo nacfi u leh deegaanka, Ceelkani ayuu
qalabkiisu u dhan yahay ayaa qodan 15 mitir dhere hoose ah biyahiisan
waxaa loo waqafay in ay aaroortaa dadka dariska u ah masaajidkan
cusub.

Aadankii ugu horeeyay ee masaajidkan
ayaa lagu sharfay in uu ka Aadamo salaada jimcaha Sheekh Maxamed
C/raxman Cusman (Maadey Aboti) waxaana qudbada salaada jimcaha
ka aqriyay oo ay ku sharfeen culima’udiinka Afgooye oo ka
soo qeyb galay furitaanka masaajidka in uu aqriyo sheekh CabdiWahaab
Aadan Diiriye oo ka mid ah mas’uuliyiinta Jimciyada Samafalka
Alwafaa.

Salaadii jimcaha kadib ayey ka
hadleen mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay furitaan masaajidka
cusub oo ay ka mid ahayen mas’uuliyiinta maamulka degmada
Afgooye, ugu horeentiina waxaa ka hadlay oo ku soo dhaweeyay dhamaan
dadkii ku tukaday waajibkii salaada jimcaha xoghayaha guud ee
jimciyada samafalka ee alwafaa Siid Cali Macalin Xuseen waxuu
na ka taariiqeeyay qeymaha sadaqadaha jaariga ah iyo qeymaha masaajidada
u leeyihiin qofka in uu ku cibaadeysto, waxuu na u mahadceliyay
dadka reer afgooye oo gacan ku siiyay in ay jimciyada Alwafaa
uu mas’uulka ka yahay in ay halkaani ka dhisto masaajid.

Dhinaca deegaanka ee culima’udiinka
waxaa u hadlay Macalin Cabdi Abroone Axmed “masaajidkani
waxa uu xilka saran yahay dhaman muminiinta dariska la ah xifaadadiisa,
nadaafadiisa iyo waxii loobaahdo in ay labada gacan ku qabtaan
dadka jiiraanka iyo maamulka loo sameeyay”.
Dadka dariska iyo deegaanka, mas’uuliyiinta
maamulka degmada Afgooye ayaa ka hadlay furitaanka masaajidka
sida mudane Jeylaani Axmed Cali (Jeylani Saalbo),Cali Xaanshi
Xeyle iyo Siidow Axmed Yaxye oo wajiyadooda laga dheehanayay farxad
ay ku soo dhaweynayeen masaajidkan cusub oo looga dhisay xaafadooda,
waxayna u mahadceliyeen dowlada dalka Kuwait iyo boqortooyadooda
iyo in tii kusoo tabarucday maaliyada dhismahan masaajidkan looga
dhisay xaafadooda Waanjeel- Buulo Cusub ee degmada Afgooye Gobolka
Sh/ Hoose.
Abdirashid Abdullahi
haydar
xeydar1@hotmail.com
www.jiinwabi.com
Mogadishu-Somalia.