Odayaasha Dhaqanka Beelaha Jareer-weyne, oo samaystay hoggaan midaysan

Kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen Salaadiinta Beelaha Jareerweyne oo looga hadlayay dib u dhiska Salaadiinta, Ugaasyada iyo Odayaasha Dhaqanka ee beelaha Jareer-weyne, ayaa maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee Ururka SAMO ee magaalada Muqdisho Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa waxaay odoyaadha dhaqanka uga hadleen, sidii bulshada Jareerweyne ay ula saan-qaadi lahay, marxaladdan siyaasadeed ee cusub, ee dalka Soomaaliyeed uu ku talaabsanayo, iyo in ay bulshada Jareerweyne ka harin bulsha weynta Soomaaliyeed inteeda kale.

Odayaasha dhaqanka beelaha Jareeweyne ee halkaasi ku kullansanaa, ayaa waxay soo jeediyeen; in la sameeyo hoggaan mideysan oo ay leeyihiin Oday Dhaqameyada Beelaha Jareerweyne, hogaankaasi oo noqondoono mid u istaaga raadinta xaquuqda, iyo wax ka qabashada danaha beelaha Jareerweyne.

In hogganka loo sameeyo Guddoomiye cusub, maadaama uu geeriyoday Gudoomiyahii hore hogaanaka u hayn jiray Odauyaasha Dhaqanka beelaha Jareerweyne Alla ha u naxariistee Marxuum Suldaan C/qaadir Axmed Aweys, taasina waxay ka mid kullanka maanta ay odayaasha isugu yimaadeen yimaadaan haa meel, kuna doorteen Hogaan cusub oo salaadiita Beelaha Jareerweyne hor-kaca, raadiyana danaha iyo xaquuqda bulshada Jareerweyne.

Goobta kulanka oo aad u camirney ayaa waxaa lagu soo bandhigay hogaanka cusub oo ay sameesteen Odayaasha dhaqanka Beelaha Jareerweyne, waxaana hoggaankaasi loogu magacdaray Golaha Salaadiinta Beelaha Jareerweyne amma (GSBJ), waxaana golahaasi guddoomiye loogu doortay Suldaan Malaaq Maxamed Sharey Iiman, Gudoomiye ku xigeenka 1aad Ugaas Sheekh Xasan Yare Xasanow, G/kuxigeenka 2-aad Malaaq Qaasim Cabdi Faraj iyo Xoghayaha Guud ee G/S/B/Jareerweyne Nabadoon C/qaadir Faarax Karaama Hogaankaan cusub ayaa wacad ku maray, ama ballan-qaaday in ay ka soo dhalaali doonaan xilka dusha laga saaray.

Golahan waxay ka koobanyihiin 17 xubnood oo ka soo jeeda 10 Gobol dalka Soomaaliaya oo ay dagaan Beelaha Jareerweyne.Shir-jaraa'd uu Guddoomiyahay cusub ee Golaha Salaadiinta Beelaha Jareerweyne Malaaq Maxamed Shaaray uu ku qabtay isla goobtaasi, kullanka ka dib; ayaa waxaa ku sugnaa suxufiyiin dhowr ah, waxayna weydiiyeen waxa keenay, in ay Salaadiinta iyo Oday Dhaqamaydyada Jareerweyne ay isku imaatinka intaa la eg, iyo hogaankan cusub inay xiligaan samaytaan?Gudoomiyaha G/S/B/Jareer:- Waxaa lagu jiraa xili xasaasi ah, oo beelah Soomaaliyeed ay ku howlan yihiin Nabad ku soo dabaalida dalka iyo deegaanka iyo u diyaar garoowga shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, taasi ayaa keentay inaan is raadsano oo aan danaheyna ka tashano, kadibna la kulanka madaxda dowlada KMG ah annaga oo mideysan, kullanka beelaha Soomaaliyeedna ugu qeybgalno annagoo midaysan, ujeeddo midaysanna leh.

Jiimonet:- Suldaan, dowlada KMG ah ma taageersan tihiin? sideese u aragtaan, Shirka Dib u heshiisiinta beelaha Soomaalieed ee lagu wado inuu dhowaan dalka ka dhacoGudoomiyaha G/S/B/Jareer:- Xaashaa li Laahiye, annaga Dowlada KMG ah waannu taageersanahay, maxaa yeelay, beesha Jareerweyne wax dagaal ah kama qeyb qaadan, waa beel jecel nidaam iyo kala danbayn, sidaasi darteed, waanu taageersanaha in la helo nidaam dowli ah, oo horseedo ama soo celiya nidaamkii iyo kala danbeyntii lagy yiqiin, bulshada Soomaaliyeed.

Hadaan u soo laabto s'aashaadii qeybteeda danbe, Shirka dib u heshiisnta waxaan u aragnaa inuu yahay mid loo baahan yahay in la qabto, hase yeeshee, waxaan ka soo horjeednaa, ama aan ka cabanaynaa, guddiga qabanqaabada shirkaasi, oo sida la sheegay laga soo xulay beelaha, ayaan jirin qof ka socda ama masala beelsha Jareerweyne, shantaasi xubnood ay dowladu magacawday, labana waa isku beel, saddaxda kalana waxay ka socdaan beelahooda, tixgelin la'aantaasi nalagu sameeyey ayaan aad uga xunahay.

Bulshada Jareerweyne waa bulsho nabadeed, waxaanu soo dhoweynaynaa, una horseedaynaa, waxkasta oo nabad lagu gaari karo, hase yeeshee xilka iyo darajada aan ku leenahay shirka 14 June 2007 lagu baaqay waa in nala siiyaa waxa aan tabaneyno Waxaan u soo jeeduneynaa, mas'uuliyiinta sare ee dowladda KMG. ah, iyo maamulka ku howlan qabanqaabada shirka Dib u heshiisiinta beelaha in nalagu tixgeliyo ka mid noqoshada guddigaasi qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta.

Jiimonet:- Suldaan maxaad shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeysaan? iyo maamulka cusub ee Gobolka Banaadir loo magacaabay Maxamed Cumar Xabeeb (M-Dheere )?Gudoomiyaha G/S/B/Jareer:- Waxaan marka hore u tacsiyeynayaa, bulshada ku nool magaalada Mogadisho, oo dhibaatada naf iyo maalba ka soo gaaray dagaaladii dhowaan Xamar ka dhacay, waxaan sidoo kale u tacsiyeynayaa guud ahaan umada Soomaaliyeed dhibaatadii naf iyo maal ka soo gaaray dagaaladii dalka ka socday 16-kii sanno aan soo dhaafnay, waxaan Alle uga baryayaa, in ummada Soomaaliyeed Samir iyo Iimaan Alle ka siiyo intii ku dhimatay dagaaladii la soo maray, waxaana Alle ka baryaya, inuu Ilahay dib noogu celin dagaal iyo colaad danbe.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa, inay ka shaqeeyaan, soona dhoweeyaan waxkasta oo nabad lagu gaari karo, iskuna sabraan, isku tanasulaan.

Maamulka Gobolka Banaadirna waan soo dhaweynaynaa oo taageero ayaa u heynaa hadii aynu nahay Salaadiinta beelaha Jareerweyne, waxaay filayaa in uu ka soo bixidoono xilka loo doortay Maxamed Dheere asiga oo kaashanayainta Nabada jecel oo ay u horeeyaan Beelaha Jareer weyne.

Dhinaca kale, kulankan maanta ka dhacay xafiiska Ururka SAMO waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha cusub ee Ururka SAMO mudane Sadiiq Cabdi Xasan (Katinba ), Xoghayahay Guud Maxamed Ibraahim Duqow (Jeri) iyo dhamaan xubnaha siyaasada Ururka SAMO, waxayna hambalyo u soo jeediyeen Golaha Salaadiinta Beelaha Jareerweyne.

Kulankani wuxuu ku dhamaaday jawi farxad leh iyo Nabad.


C/rashiid C/laahi Xeydar

Ku laabo pageka
www.jiibwabi.com

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH