Golaha Midnimada Qowmiyada Jareer- weyne marka la soo gaabiyo (J.U.C ) Jareer Union Council oo la aas aasay sanadkan 01/01/2007 ayaa Munaasabad balaaran oo aad loo soo agaasimay ku qabtay Hoolka shirarka ee Xarunta Cilmibaarista Hay’ada F.PENS ee magaaladda Muqdisho Soomaaliya .

Munaasabadan ayaa aheyd tii ugu balaaraney oo ay ka soo qeyb galaan tiro lagu qiyaasay 250 xubnood oo iskugu jira Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahanada,Culumaa’udiinka, Haweenka iyo Dhalinyarada Beelaha Jareer-weyne, tan iyo bilaawgii waxii ka dambeeyaay dagaaladii Maxaakiimta iyo Hogaamiye Kooxeedyadii dhexmaray ilaa iyo haatan dagaaladan lagu hoobtay ee u dhexeeyay Dowlada FKMG iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda, goobta kulanka ayaa aheyd mid ay dadka jareer weyne ee iskugu yimid oo ay isku marxabeynayeen iskuna oranayeen “Illahay ma idiin samata bixiyey, maka nooshihiin dad iyo duunyo waxii dhacay iwm”.

Munaasabadan ayaa waxaa ku casuumanaa Madax Soomaaliyeed oo aan aheyn Beelaha Jareer weyne waxaa ka mid ahaa Dr Bood, oo ah siyaasiga weyn ee beesha Mondulood, Suldaanka beesha Suleymaan Cali Horseed, Ugaas Bashiid iyo Aqoonyahano ka soo jeeda beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed, kuwaas oo dhamaantood ogolaaday, casumaadii la casumay, soona dhaweeyay in ay ka soo qeyb galaan Xafladan lagu soo shaacbixinayo jiritaanka Golaha Midnimada Qowmiyada Jareer-weyne J.U.C.

Munaasabada ayaa lagu furay Aayado Qur'aan iyo darsi Diini ah oo ka hadleysay qeymaha Midnimada iyo is xusuusta maalinta Aaqiro, kadib, waxaa la guddo galay qudbadihii kala duwanaa oo ay ka hadleen mas'uuliyiin dhowr ah iyo wax garka ka soo qeyb galay, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee degmada Hodan ayaa ka hadlay oo sheegay nasiibka uu u yeeshay in Degmada Hodan ay ku taalo xaruuntan FPENS in uu raali ka yahay in ay ku shiraan kuna kulmaan Golaha Qowmiyada Jareer weyne, Amaanka goobtana waxaa sugayaay Ciidamada DFKMG ee daadsan Degmada Hodan.

Waxaa isna ka hadlay Dr Xuseen Xaaji Bood (Dr. Bood) wuxuu yiri "waxaan u tahniyadeynayaa kulankan ah isbaraarujinta iyo is aruurinta Qowmiyadan Jareer, waxaan leeyahay Guul, waana soo dhaweynayaa Golaha Midnimada Qowmiyada Jareerweyne" Dr. Bood ayaa ka taariiqeeyay dhaqanka Soomaalida iyo qaabka uu soo maray, waxuuna Carabka ku adkeeyay Beelaha Jareer-weyne in ay yihiin Macalimiinta Beelaha kale ee Soomaaliyeed, asigoo wax ka sheegay Xadaarada iyo Badka ay leeyihiin jareerta, wuxuuna ku dhaliilay Aqoonta casriga ah in ay Beelaha Jareer-weyne ku yar yihiin oo aysan wax barin Ubadkooda "Aabaha Jareer haduu Fuundi yahay Wiilkiisana Fuundi in uu noqdo waa laga fiican yahay" sidaana waxaa yiri Dr Bood, "waxaan idinku boorinayaa in aad adkeysaan bilawgan fiican ee Golaha Midnimada Jareer weyne" ayuu Dr. Bood si qiiro ku jirto ku yiri.

Munaasabadan Shaacbixinta Golaha Qowmiyada Jareer-weyne ayaa isku badashay qaab Siminaar oo kale, ka dib markii ay noqdeen dadka hadlayay Ditoro, Profasooro ama Barfasooro aqoon durugsan leh.

Dalkana goob joog ku ahaa waxii soo marayna qoray, kana qiseeyay taariiqaha Beelaha Jareeer-weyen.Prof. Xuseen Muuse Kadiye oo ahaan jiray Oormuudkii Jaamacadahii Dalka una dhashay Beelaha Jareer-weyne, ayaa lagu soo dhaweeyay mikarifonka, asigoo ay ka muuqato Qiiro, jeclaana in ay bartaan dhamaan ka soo qeyb galayaasha munaasabada maadaama uu Prof-ka hore u diidi jiray in uu tago kulamada ayay tini ay aheyd tiisii ugu horeysay, waxuuna soo bandhigay cashar ka hadlayay midnimada iyo waxa lagu gaari karo.Prof. Xuseen Muuse ayaa yiri "maanta waa taariiq 10/05/2007 waana in ay noqotaa maalin la xuso Midmimada Jareer-weyne sanad walbana Munaasabad ceenkaan oo kale ah loo sameeyaa".

Midnimo maxay tahay ? midnimo waa in marka hore dadka laga helaa Towfiiq iyo Muwaafaqo, hadii la is diidan yahay ma i maaneyso midnimo ee Jareeryahow is ogolaada Towfiiqna yeesha, Midnimo maxay gashaa? waxay gashaa helida xuquuqda kaa maqan oo aad taweysa adiga oo kaligaa ah, dadnimadaada ayey soo bandhitaa Human right,Bulshada oo lagaa tixgaliyo, siyaasada, iyo horumarka dhaqan dhaqaale intaas oo dhan waxay ka soo dhex dusi karaan Aqoonta iyo wax barashada oo lagu mideysan yahay.Prof. Xuseen Muuse, oo casharkiisa soconayay mudo dhan hal Saac iyo Bar, ayaa xiiso badan loo hayay Sacab iyo farxad ayaa si isdaba joog ah u dhacayay ka dib markii uu ka taariiqeynayay Dadka Madoow ee Mareykanka ama (black America) heerka ay soo mareen iyo heerka ay maanta taagan yihiin tusaalena u soo qaatay Xoghayada Arrimaha Dibada Mareykanka ee madoow Miss Rice iyo Miss Frazer oo Jareer ah, Golahan midnimada Qowmiyada Jareerweyne J.U.C waa in uu ahadaa kii uu la haan jiray Martin Luther King oo madowga aan ka soo sheekeeyay hormuudka u ahaan jiray.

Sidoo kal, waxuu tusaaleyaal u soo qaatay Ururadii dalka Soomaaliya ayuu yiri "USC maxay ahedy? waxay ahedy mid hal ah oo jabisay xukunkii Siyaad Bare oo loo heesayay 21sano Maxey ku dambeysay ? bur bur iyo halaag Soomaaliyeed markii ay meesha ka baxday midnimadii iyo towfiiqdii, Ururkeenii SAMO ee mid ahaa maxaa loo geestay? Towfiiq la'aan 3 garab ugu damneyntiina 4.5 in nalagu sharciyeeyo.Prof Xuseen Muuse ayaa talooyin u soo jeediyay Madaxda Golaha J.U.C wuxuuna ku booriyay shaqada ay faraha lagaleen in aysan ka caajisin "waxaad taabateen ama aad Fiiqdeen Boogtii Jareer weyne waxaana la idinka doonayaa in aad dhaydaan oo aad Daaweysaan", hawshan mid fudud maaha waxay u baahan tahay in qibrad loo yeesho jiritaanka J.U.C waxaana jira koox ah Union making iyo Union keeper ee ahaada kuwo mideeya dadkooda "aniga Xuseen Muuse ah Madoonayo in aad ka shaqeysaan midnimada jareer oo kaliya ee ku dara midnimada Soomaaliyeed" waxuuna ku soo gaba gabeeyay in uu qaado heestii qaranka uu ku daray Jareer "JAREEROW TOOSOO ISKU TIIRSADA HADBA KIINA TAAG DARAN TAAGEERA WALIGIINA " taasi ayaa keen tay dadka ka soo qeyb galay qaar kood in ay ilmeeyaan qiirada ka muuqatay Prof Xuseen Muuse Kadiye.

Munaasabadan oo lasoo koobi karin hadalada mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Ex Xildhibaan nadaamiyahii hore baarlamaanka Carte ee TNG Xasan Axmed Sadiiq " waxaan ku farax sanaya in aan hore istaago tiradan muga leh ee Qowmiyada aan ka dhashay ee Jareer-weyne waa wax igu cusub oo aan raali ka ahay aniguna i dhiiro gelineyso la jirka dadkeyga iyo ku faanistooda hadii la helayo wado wanaag ah oo midnimo inoo hor seedeysa" sidaana waxaa yiri Xasan sadiiq mar uu kaf tamayay ayuu yiri waxii aan sheegi la hey Prof-ka ayaa sheegay wuxuuna wax noogu qoray Kal sida uu inoogu cadeeyay wax walba ayaa keentay in aan iraahdo KAL ayaad ku qortay waxa ay jareer tawanayaa.

Ex Xildhibaan Xasan Sadiiq oo ku booriyay bah-weynta soo agaasimtayah golahan Midnimada Qowmiyada Jareer-weyn in aysan ka caajisin oo aan is oran war dadkan wax loo ma qaban karo maxaa yeelay cashirkii maanta hadii aan inteena ku soo cel celino ayaa ah guul iyo wax weyn howsha dalka iyo dadka soomaaliyeedna ma dhowa ee wax barashada Caruurta halogu dadaalo.

Munaasabada oo loo kala harin ayaa waxaa hadlay dad wax garad ah sida Ugaas Xaaji Xuseen oo ah Af hayeenka Golaha Salaadiinta Beelaha Jareer-weyne, Suldaan Cali Horseed ee ah suldaanka beesha Habar gidir ee Xaaji suleymman,Ugaas Maxamed Nuur Garaad, Eng Maadey Axmed, Faadumo Guusha madaxda Haweenka Ururka SAMO, Ex xildhibaan Sheekh Muqtaar Cabdi Roole, sidoo kale waxaa ka halay Suldaan Sheekh Luqmaan, Sheekha Afgooye oo si gaar ah loogu ixtiraamayay kulanka waxuuna sheegay in tani tahay faa'iido weyn oo ay gaareen beelaha jareer-weyne meelkasta oo ay joogan "waan u duceynenaa Qu'aankana waan u aqrineynaa jareer iyo waxii muslima ah in uu ilaah garabkooda galo"sidaana waxaa yiri Sheekh Luqmaan oo doco dheer ka aqriryrya munaasabada shaacbixinta golaha Midnimada jareerweyne.

Ugu dambeentii waxaa ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Midnimada Qowmiyada Jareerweyne J.U.C. Jareer-weyne union council mudane Faarax Cabdi Guure waxuuna soo dhaweeyay aqbalaadii imaanshaha Munaasabadan ee ay ugu yeereen walaalahooda in ay fikirkooda ku darsadaan golahan,"Golahan ayaa ka kooban ilaa 114 xunboo oo ka soo jeeda deeganada ay dagaan qoomiyada jareerweyne ee 9 ka gobol Soomaaliya.mar dhwna waxaan soo ban dhigeynaa qaabka shaqo ee inagu waajibay in aan qabano oo ku saabsan mideyta beelaha Jareerweyne.

Waxaana lagu qeybiyay profeli ama waraaqo ay ku qoran yihiin Astaanta Golaha, Aragtida Golaha Midnimadda, Mabaadiida Golaha, Ujeedooyika Golaha, Aasaasida Golaha, Hadafka G.M.Q.J.W iyo wax qabadka golaha midnimada.Jawiga Munaasabada ayaa ahyaa mid guul ah oo ay faxadi ku dheehan tahay dhamaan ka soo qeybgalayaashuna ay ka masquuden waxa mwwsha ka dhacay dabadeey waxaa soo istaagay oo looga yeeray halgamaa da'ah Maxamed Macoow Sabar oo ah buraarujiyihii SAMO wuxuuna qaaday heestii qaranka uu sheegay in uu jiray marka uu qaadayay 18 jir hadan yahay 72jir kor ayaa loo wada istaagay Soomaliyeed toosoo ayaa la qaaday waxaana si wada jir ah loo codsaday in uu Prof Xuseen Muuse u adeego midnimada Qowmiyada Jareer -weyne oo cod kar ah ama na hogaami Profsoore.

C/rashiid C/laahi Xeydar Muqdisho Somalia


Ku laabo pageka
www.jiibwabi.com

 
DESIGNED AND HOSTED BY AFRO TECH