Dagaalo
u dhaxeeyay Beelaha Jareer-weyne iyo Bimaal oo shallay dib uga
qarxay Tuulada Beled-Aamiin/Gosha ee deegaanka Jamaame.
May 14/2008 JWN(Jiinwabi News)Ku-wamzuma/Gosha
Dagaaladii u dhaxeyey Beelaha
Jareer-weyne iyo Bimaal ayaa tullada Beled-Aamiin ee ka tirsan
degmada Jamaama, dib uga qarxay, ka gadaal, markii odoyaasha labada
dhenac ay ku guul-daraysteen waa-waan laga dhex waday labadaan
maleeshiyo beeleed ee halkaasi bishii tegtay dhibaato kala gaartay.
Waraku waxay sheegayaan; in dagaalkan
danbe uu ka bilaawday, tuulada Beled-Aamin iyo tuulada Shiriwa
oo aad isugu dhow, kana mid ah degaanka gosha, ka kadaalna uu
dagaalkii u wareegtay dhanka tuulada Buula Muuse, uu ku taal dhanka
Deexda ee isla degmada Jamaama, tuulooyinkaas oo ay kala degaan
labadan beelood.
Wararku waxay sheegayaan, in labada
dhinac ay is ka gubeen tuulooyin, islamrkaana ay iska dhaceen
xoolo nool iyo kuwa mood ahba, waxayna labada dhinac iska gubeen
tuulooyin gaaraya ilaa saddax tuulo.
Tuulooyinka la gubay waxaa ka
mid ah, tuulada Beled-Aamiin iyo Sabatuuni oo dhanka Gosha ah,
iyo tuulada Buula Muuse dhanka deexda ku taal.
Labada ciidan ayaa la sheegayaa,
inuu dagaalkooda weli socdo, wax waa-waan ahna aysan weli ka dhax
bilaawan.
Labadan Beelood ee Jareer-weyne
iyo Biimaal, oo ahaa, beelo ahaa (REER-EEBBE-YAALE), oo micnaheedu
tahay, dad aan dhibaatu geysan, oo xitaa hadii aad waxooda la
qabsatid dhihi jiray (ILAAH BAAN KUUGU DAAYEY), islamarkaana ahaa
beelo walaatinimo, deris-wanaag, ay is xaq-dhowr ku jirto ay wligood
kuwada noolaayeen, ayaan la garanayo waxa haatan keenay inay dhiig
iska daadiyaan
Ibrahim Maxamed
Cabdi(Ibrahim Akuja)
jiimo2001@yahoo.com
www.jiimonet.com