| |
GOLAHA MIDNIMADA
JAREER WEYNE
Tan
iyo markii uu dhacay burburkii dagaaladda sokeeye ee loogu saarary
Dalka taliska hore ee milatriga aha. Qowmiyadda Jareer Weyne waxay
qeyb ka aheyd qeybahii ka saaray Dalka Rajiimkii Siyaad Barre, taasoo
laga sugaayay in ay Dowlad wanagsan ka soo baxdo mase dhacin Dowladii
waxay gacanta u gashay maleeshiyooyin wax ma garad ah oo ku abtirsada
Beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed.
Taasoo kaliftay in ay Qowmiyadda la kulmaan gumaad isugu jira Dil,
kufsi, Af-duub, Dhac, iyo Barakicin iwm. dhibkii maleeshiyayaasha
aan cid ka amar qaadan waxaa yareeyay markii ay sameeysmeen Maxkamado
Beeleedyada taasoo dariiq u furtay in looga dacwooda beelahooda
yareysayna dhibaatooyinkii badnaa ee ku dhici jiray Qowmiyadda waana
ugu mahad celineynaa kuwii aas aasay Maxkamad Beeleedyadii .
Hadii aanay abuurmeen Maxkamadahaasi Dalka wuxuu geli lahaa halaag
intaas ka badan Maxkamadahii waxaa ka dul dhashay Dowladda TNG da
sidaa daraadeed waxayna ku wareegeen Dowladdii TNG da., Dowladdana
waxaa ka hor yimid hogaamiye kooxeedyo aad u xoog badan gacan buuxdana
ka heeysta Dowladdo shisheeye taasi oo sababtay in ay Dowladdii
TNGda waxba qaban weyso, ka dib waxaa dhacay in shir dib u heshiin
ah lagu qabto Dalka Kenya ayana hogaaminaayeen Dowladaha IGAD, iyadoo
fududeeyneysay Dowlada Kenya, mana dhacin in xuquuqdii ay ku laheyd
Qowmiyadda Jareer Weyne ay ka hesho shirkaas , waxaana lagu qanciyay
ka qeeyb galayaashii shirkaas in ay tahay XAL ee aysan aheyn mid
XAQ ah. Sidaasna ay u qaataan wixii xal Somaali weyn lagu gaaraayo.
Hadaba tan iyo markii la soo dhisay Dowladii TFG da hadii ay gaari
weysay xalkii loo soo dhisay oo ay ku dulmanaayeen Qowmiyadda Jareer
Weyne ayaaana kalifay in la aburo Golaha Midnimadda Qowmiyadda Jareer
Weyne (G M Q J W) markii la arkay laguna sameeyay daraasaad muddo
dheer wixii la soo maray 16kii Sano ee Dagaalka sokeeye iyo burburka,
Ururadii kala duwanaa ee SAMO wax qabadkii siyaasiina SAMO iyo heerka
ay soo gaarsiiyeen ururada , waana ugu mahad celineeynaa ururuadda
SAMO, waxaase hor yaala howl aad u baaxad weyn oo laga doonaayo
inuu wax ka qabto Golaha Midnimadda Qowmiyadda Jareer Weyne, kuwaaso
ugu horeeyso Midnimadda Bulsha Weynta Soomaaliyeed gaar ahaan Qowmiyadda
Jareer Weyne meel walba ay ku nool yahiin.
Ku laabo pageka
www.jiibwabi.com
|
|