|
Halyeyga, Hogaamiya, Bulshada Jareerweyne, muzee
Maxamed Ramadaan Arbow
| |
Allaha u naxariistee
Halyeygii, Hogaamiyahii, Bulshada Jareerweyne,
muzee Maxamed Ramadaan Arbow, waxuu ahaa
Assaasihii Ururka SAMO, waxuu ahaa; ninkii u
istaagay, naftiisa u huray, inuu raadiyo
xaquuqda Bulshada Jareerweyne, Waxuu ahaa
halyeygii midayey beelaha Jareerweyne,
|
| |
| Halgganka Hogaamiye Arbow,
waxuu ku soo toosay xilli uu dagaalka uu
carcartiisa hore ay jirtay, oo qofkii hadlo oo
xitaa yiraahdo, ninyahow iga kac, ay xabbada
leefayso, ayuu Hoggamiye Arbow halgankiisa ku
soo toosay, Waxuu ka qeybgallay shirkii Jabuuti
oo 1991-kii, waxuu ka qeyb gallay shirkii Addis
ababa, kii Soodari, waxuu ahaa Xoghayaha Guud ee
Ururuka SAMO-SSA, Waxuu ka mid noqday Guddigii
Dib u heshiisiin Qaran ee dowladda
Carte. |
| |
| Intaasi aan soo sheegay waxaa
Marxuum Arbow lagu xasuustaa, xiligii UNISOM
maalintii loogu magac daray Maalintii Midnimada
Jareerweyne, oo in ka badan 30,000 oo
jareerweyne ah, oo wada xiran dharkoodii Hiddaha
iyo Dhaqan ee labada go' ee cadcad, isagoo Arbow
horkacayo ay dariiqayada magaalada Xamar
socod ku mareen, taas oo ay u UNISOM iyo aduunka
ku tusaayeen , in bulshada Jareerweyne aysan
ahen bulsho mainority, balse ay yihiin bulsho
farabadan oo nabadda jecel. |
| |
| Allah u naxariiste Marxuum
Maxamed Ramadaan Arbow, waxuu geeriyooday
2001-kii |
| |
|

|
|
Sawirkaan waa Sheikh Muqtaar,
Hoggaamiye Arbow, iyo Diiruye |
| |
|
  
|
| |
|

|
| |